Xildhibaanada Baarlamaanka Jabuuti Oo Ansixiyey Kuraas Kooto Loogu Xidhay Haweenka Iyo Mucaaridka Oo Dood Ka Qaba.


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 00:24:00
Xildhibaanada Baarlamaanka Jabuuti Oo Ansixiyey Kuraas Kooto Loogu Xidhay Haweenka Iyo Mucaaridka Oo Dood Ka Qaba.

Jabuuti(HWN):- Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa ansixiyey xeer cusub oo jidaynaya tirada xildhibaanada ee haweenku ku yeelanayaan baarlamaanka cusub ee la soo dooran doono 23 Feberuary 2018.

Xeerkan ayaa dhigaya in haweenka kooto loogu xidhi doono inay helaan  25% ka mid ah xildhhibaanada baarlamaanka, halka ay markii hore lahaayeen 10 xildhibaan oo kaliya.

Xeerkan ayaa la dhaqan galinayaa doorashada baarlamaanka ee bisha labaad ee sanadkan ka dhacaysa dalkaasi.

Xildhibaanada mucaaridka ah ee ka tirsan baarlamaanka ayaa ku doodaya in la kordhiyo tirada kuraasta ah ee haweenka laga siinayo baarlamaanka isla markaana la gaadhsiiyo 50%.

Xildhibaan Ducaale Cige Coofle oo ka mid




ah xildhibaanada baarlamaanka oo la hadlay VOA ayaa  soo bandhigay sababta ay saamigan uga soo horjeedaan waxaanu yidhi “Anagu hadaanu nahay xisbiga mucaaridka ah waxaanu goosanay in haweenka kooto loo xidho 25 sano ka hor, waxaanan doonaynay in laga dhigo 50% waayo haweenka wadanka joogaa intaas way ka badan yihiin sidaas ayaanan u doonaynaa in looga badiyo balse xukuumadu waxay sheegtay inay u yaryaraynayso.”




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.