Tirada Maxaabiis Soomaali Ah Oo La Sheegay In Laga Sii Daayey Dalka Hindiya


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 00:09:51
Tirada Maxaabiis Soomaali Ah Oo La Sheegay In Laga Sii Daayey Dalka Hindiya

Muqdisho(HWN):-tiro maxaabiis ah oo gaadhaya 15 maxbuus oo u dhashay dalka Soomaaliya ayaa laga sii daayey xabsiyo ku yaala dalka Hindiya.

Sida ay qortay jariirad lagu magacaabo The Indian Express oo ka soo baxda dalka Hindiya, maxaabiistan ayaa loo haystay falal la xidhiidha budhcad badeednimo ayaa dib u helay xoriyadooda.

Maxaabiistan ayaa la sheegay inay dhamaysteen xukunkii lagu riday oo 7 sanadood ahaa, kuwaas oo hatana xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay.

Sidoo jariirada ayaa daabacday in xoriyadooda loo celin doono 27 maxbuus oo kale oo soomaali ah kuwaas oo maalmo kooban ka dib dhamaysanaya xukun lagu riday ka dib markii lagu




eedeeyey budhcad badeednimo ay ka samaynayeen.

Dhawaana xukuumadaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa wada hadal ka yeeshay sidii maxaabiista soomaalida ah ee ku xidhan dalka Hindiya loogu soo celin xabsiyada soomaaliya si ay dalkooda ugu dhamaystaan mudada uga hadhay xukunka lagu riday.

 

Hadhwanaagnews.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.