"Muuse Biixi Waa Siyaasi Wayn Oo Nabad-doon Ah, Puntland Dalkeeddanna Kuma Socdo" Wasiir Faratoon


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 11, 2018 23:32:14
“Muuse Biixi Waa Siyaasi Wayn Oo Nabad-doon Ah, Puntland Dalkeeddanna Kuma Socdo” Wasiir Faratoon

Hargaysa(HWN):-Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse oo Madaxweyne Muuse Biixi ku tilmaamay Janan, isagoo u diggaaya Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Gaas, balse Faratoon ayaa hadalkaas saluugay, isla markaanna sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay Siyaasi wayn.

Wasiirka Waxbarashaddu waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu yahay Siyaasi wayn oo danaynnaaya Nabadda iyo Xasilloonida Mandaqaddan, waxaannu meesha ka saaray innuu yahay Nin Janan ah oo Ciiddan ah, isagoo tilmaamay inaan arrintu meesha ay leeddahay laga leexin, waxaannu yidhi

“Hadhimo Sharafeedkani




waa mid lagu Maamuusaayay Suldaan Bille Rafle Guuleed oo dalkan qadarin iyo qiimmo wayn looga hayo.  Anigu berigii dawladdii Siyaad Barre ee Kacaanku jirtay maan ahayn dadka siyaasadda aadka ugu war haya, dhinaca Waxbarashadda ayaan aad ugu mashquulsannaa oo dadkii siyaasadda iska yar diiddannaa ee Mucaaridka hoosta kaga jirtay ayaan ka mid ahaa, markaan maqlo Bille Rafle ayaa halkan jajabiyay iyo Billaa halkan jiidhay, waxaan u haystay Nin dalka baabiiyay oo meel walba digadda ka dhigay.

1991-kii wixii ka danbeeyay ayaan ogaadday Ninku nin waxqabannaaya innuu ahaa, markii meelkastoo micno leh la yidhaahdo Bille Rafle Guuleed ayaa dhisay, markaa Bille aad baan u salaamayaa, runtiinna dalkan aad baa looga qiimmeeyaa, waanan soo dhawaynayaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Mr. Faratoon

Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu dhinaca kalenna ka jawaabay hadal uu Wasiirkii hore ee Xannaanadda Xoolaha Cabdillaahi Cukuse uu ku tilmaamay in Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi uu yahay Janan, haseyeeshee Faratoon oo kalmaddaas ka hadlaayay ayaa yidhi “Muuse Biixi waa Siyaasi wayn oo nabad doon ah, oo deegaannada la deriska ah iyo cid allaale iyo cidday isku xidhan yihiin aad u qiimaynnaaya. Puntland dagaalkeedda kuma socdo oo ma rabo, jaarnimaddeeda iyo Nabaddeeda ayuu aad iyo aad u soo dhawaynayaa, oo aad u qiimaynayaa, dal ay puntland leedahay duullaan kuma ah oo ma doonnaayo oo ma daba socdo, markaa sidaa haloo ogaaddo oo yaan meel aannay lahayn loo leexin sheekadda socota.”

Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)

[email protected]

Hadhwanaagnews,Office

Hargaysa,Somaliland

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.