Ciyaaro:-Kabtanka Xulka Boortaqiiska Oo Markii Shanaad Ku Guulaystay Abaal Marinta BallondÂ’OR


(Hadhwanaagnews) Friday, December 08, 2017 00:35:13
Ciyaaro:-Kabtanka Xulka Boortaqiiska Oo Markii Shanaad Ku Guulaystay Abaal Marinta BallondÂ’OR

Kabtanka xulka Boortaqiiska Christiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marintii shanaad ee bilada loo yaqaano Ballond’OR  isaga oo kaga adkaaday ciyaaryahanada ay sida weyn isku hayaan ee Leo Messi iyo Neymar.

Xidigan  u ciyaaraha kooxda Real Madrid  ee Christiano Ronaldo ayaa markii shanaad ku guulaystay biladan isaga oo la heer noqday weeraryahanka kooxda Barcelona ee Leo Messi oo isaguna abaal marintan ku guulaystay shanjeer.

Ronaldo ayaa markii la gudoonsiiyey abaal marintan ka hadlay dareenkiisa, waxaanu sheegay inuu dareemayo farxad.

“Dabcan waxaan dareemayaa deganaansho, waxaanay ahayd wakhti u cajiib ah xirfadayda, abaal marintana waa mid aan rajeeyo inaan sanad kasta




ku guulaysto.”ayuu yidhi Ronaldo.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.