Hay'adda Havoyoco Oo Kulan Isugu Keentay Hormoodka Hay'addaha Barnaamijyada Shaqo Abuuurka Dhalinyarada


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 23:44:57
Hoos Kaga Bogo Faahfaahinta Warkan



Priority="9" SemiHidden="true" UnhideWhenUsed="true" QFormat="true" Name="heading 6"/>

 

 

 

 

Hargyesa(HWN) hay’adda wadaniga ah ee Havoyoco oo kaashaneysa hay’adda Oxfam Novib Ayaa kulan isugu keeneen 30 xubnood oo ka kale socdey 14 hay’addood oo oo iskujira  kuwa  heer caalami iyo maxaliba  ee ku hawlan  mashaariicda hormarineed ee dhalinyarada gaar ahaan dhinacyada shaqo abuurka iyo kobcinta xirfadaha lagu shaqato. 

Kulan kaas  oo qeyb ka ahaa mashruuca work in progress  oo isla hay’adda wadaniga ah ee havoyoco ka fulineysa magaalooyinka Berbera, burco iyo hargiesa ujeedadiisa guud na ay tahay kor u qaadida dakhliga ee dhalinyarada iyadoo la kob cinayo xirfadaha shaqo abuur ee dhalinyarada shaqo raadisk ah u saamaxaya iney shaqo tagaan ama abuur ganacsiyada yar yar.


 

 Hadaba, kulankan ayaa ahaa u jeedadiisu sidii loo mideyn lahaa qaabka ay u fulinayan daneeyaasha kale duwen ee fursadaha shaqo carbinta ee lagu meleeyo dhalinyarada shaqo raadis ah goobaha shaqo si ay xirfadoodaa shaqo kur uga qadaan islamarkaana uga mid noqon lahayeen  dedaadalada ay hay’adda havoyoco wado ee ku aadan sidii loo abuuri lahaa siyaasada arimaha shaqo carbinta( intership policy) oo lagu hagi doono dhamaan cid kastoo oo wada mashaariic la xidhiidha kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada jaamiciyiinta ah ee  sanad walba kazoo qalin jabinaysa jaamacadaha kala duwan ee dalka.


 

Hadaba, Ugu Horeyn waxaa madaaasha ka Hadley wakiilka guud ee hay’adda HAVOYOCO Mr. Mudane Abdilahi Mohamud Hassan oo isagu ugu horeyn u mahad naqay dhalinyarada ka qeyb qaadatey kulanka aqoon isweydaarsiga ah islamarkaan u sharaxey ka qeyb galayaasha ujeedooyinka ay hay’adda havoyoco ka leedahay hirgelinta siyaada laxidhiidha shaqo kobcinta dhalinyarada shaqadoon ka ah ee ay kala  iyo sidii xal loogu heli


 

qaabka ay u fulinayan daneeyaasha kale duwen ee fursadaha shaqo carbinta ee lagu meleeyo dhalinyarada shaqo raadis ah goobaha shaqo si ay xirfadoodaa shaqo kur uga qadaan islamarkaana uga mid noqon lahayeen  dedaadalada ay hay’adda havoyoco wado ee ku aadan sidii loo abuuri lahaa siyaasada arimaha shaqo carbinta( intership policy) oo lagu hagi doono dhamaan cid kastoo oo wada mashaariic la xidhiidha kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada jaamiciyiinta ah ee  sanad walba kazoo qalin jabinaysa jaamacadaha kala duwan ee dalka.


 

Isna waxa kulankan ka hadlay mareeyaha mashruucan work in progress ee hay’adda Oxfam Novib Mr. Khadar Ibrahim Eidle oo isagu si  qoto dheer u sharaxey wax qabadka mashruucan iyo doorka ay hay’adda Oxfam Novib ay ku leedahay barnaamijyada kale duwan ee kor loogu qaadayo dakhli abuurka dhalinyarada bilaa shaqada ah.


 

Hadaba ugu daneyntii  kulan ayaa waxey  isagu waafaqeen dhamaan  hay’adahan ka soo qeyb galey kulan in ay mihiim tahay in la abuuro siyaasada cad oo ku aadan adeeg bixinta arimaha laxidhiidha shaqo carbinta dhalinyarada shaqo raadis ah ( youth intership policy)   taasi oo ay raaci doonaan cidkasta oo fulineya barnaamijyo laxidhiidha shaqo abuurka dhalinyarada. Isla kulankan waxa lagu heshiiyey in la abuuro gudi hoosaad xoojin doonta sidii loo abuuri lahaa siyaasada ay hormoodka u tahay hay’adda havoyoco iyadoo kaashaneysa laamaha dowladeed ee ay khuseyso arrimaha dejinta siyaasadan lagu hagayo kor u qaadida fursadaha shaqo ee dhalinta.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.