Ardaydii Ka Qalin-jabiyey Kulliyada Dhaqaalaha Jaamacada Golis Faraceeda Berbera Oo Sagootiyey Macalimiinta Jaamacadaasi.


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 15:08:07
Halkan Ka Akhriso Warkan

Dafcadii lixaad ee Jaamacada Gollis qaybteeda Berbera gaar ahaan Kuliyada Dhaqaalaha ayaa qabsaday , xaflad ay ku sii sagootinaya jaamacada madaama ay soo dhamaatay waxbarashadii degree kowaad oo ay soo wadeen tan iyo 2014.

Munaasibadaasi Oo Lagu Qabtay Magaalada Berbera Waxa Ka Qayb-Galay Waxaana Xafladaas Ka Soo Qayb Maamulka Jaamacada Oo Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Jaamaxada Golis Berbera Xildhibaan Nasir Cali Shire, Gudoomiye Ku Xigeenka Cabdirasaq Cabdilahi Iyo Macalimiintii Ardaydan Wax Uu Soo Dhigaysay Mudadaas Sannadada Ahaa, Sidoo Kale Waxa Xafladaasi Goob




Joog Ka Ahaa  Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Gobolka Sida Xoghayaha Dawlada Hoose, Maareeye Ku Xigeenka Dekeda Berbera, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Dhamaanba masuuliyiinta Jaamacada Golis ee Berbera iyo Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyokuwa Degmada Berbera oo halkaasi ka hadlay ayaa ardayda qalin-jabisay u duceeyey iyagoo kula dardaarmay n inaanay waxbarashada halkaas kaga hadhin ee ay sii wadaan isla-markaana aqoontii ay barteen ay dalka uga faaideeyaan.

Ugu dambayntii waxa ardaydu shahaado sharafyo guddonsiiyeen, ay ku maamusayaan , macalimiintooda iyo madaxda gobolka iyo kan dekeda  oo gacan weyn ka qaata kobcinta waxbarashada.

Hadhwanaagnews/Office

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.