Wariye Maxamed Bili Bili Oo Lagu Xidhay Boorama Iyo Sababta Ka Dambaysa Xadhigiisa.


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 10:34:56
Ma jirin wax waaran maxkamadeed ah oo loo isticmaalay xadhiga wariyahan, marka laga reebo warqadaas dacwada

Boorama (HWN) Wariyihii Shabakada Hadhwanaagnews ee Gobolka Awdal Maxamed Nuur Muuse (Bilibili) ayay ciidamada Booliska ee Boorama xabsiga u taxaabeen abaari 11 duhurnimo ee maanta.

Amarka lagu xidhay wariyhan ayaa ahaa mid uu bixiyay Duqa Degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, waxaana ciidamada Boolisku markii ay xidhayeen wariyahan ay ku wargaliyeen in dacwad uu soo gudbiyay Duqa dagmadu ay ku xidhayaan.

Ma jirin wax waaran maxkamadeed ah oo loo isticmaalay xadhiga wariyahan, marka laga reebo warqadaas dacwada ah ee uu keenay Duqa Degamada Boorama.

 Xadhiga wariyahan ayaa salka ku




haya, warar ku saabsan Baabuur uu iibsaday maayarka degmada Boorama oo uu weriyuhu sheegay in aan si sharci ah aanu u iibsan baabuurkaasi maayarku.

 

Hadhwanaagnews

Boorama/Office.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.