Hooyadii Fanka Soomaalida Guduudo-Carwo Oo Saaka Hargeysa Ku Geeriyootey


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 10:23:39
Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-Carwo) oo kamid aheyd fanaaniintii Hobalada Waabari kuwii ugu waaweynaa dhinaca fanka oo ay had iyo jee

 

Hargeysa(HWN)-Fanaandii Shamis Abokor Ismaaciil(Guduudo-Carwo),oo kamid aheyd fanaaniintii bilaabay fanka Soomaalida dhinaca haweenka ayaa,saaka waabarigii ku Geeriyootey Caasimada Hargeysa.

Marxuumad Shamis Abokor




Ismaaciil (Guduudo-Carwo) oo kamid aheyd fanaaniintii Hobalada Waabari  kuwii ugu waaweynaa dhinaca fanka oo ay had iyo jeer Fanaaniinta Soomaalidu u aqoonsanaayeen Hooyadii Fanka  Allaha naxariistii jano haka waraabiyo,isla saaka ayaa lagu aasey Caasimada Hargeysa,waxaaney mudaba aheyd sanadahan dambe qof da, ah oo aan sariirta dhaafin.

Walow aaney dad badan oo bahda fanka ahi ka qeyb galin aaskeeda,waxa aydun wararkayaga dambe kala socon doontaan sida ay fanaaniintu uga hadashey Geerideeda.

 

Cabdiraxmaan Nuux(hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected] 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.