Maansadii: (Bariiido) Cheif Caaqil Axmed Ciise Cumar


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 06:20:05
In kastoonay baaqiyo Murti badan lahaynoo Iyadoo ka bayd duwan Bari hore aa maqasheen

 

Maanso aan bariidiyo

 

Barbaarta aan salaaniyo

Ku soo booqanaayaan

Baadh baadhay caawee

In kastoonay  baaqiyo

Murti badan lahaynoo

Iyadoo  ka bayd duwan

Bari hore aa maqasheen

Ila arag bal baashoow

Sidii boqaradii hore

Ma mid aan bartii

Buugii xumaa iyo

Halkay nala barteeniyo






style="font-size:16px;">Xilalkii bugta ahaa

Noo baadha buu noqon ?

 

Mise wiil barbaaroo

Burjigayga guud iyo

Beelaa kala yaqaanoo

Baal mara kuwii hore

Boqor daacadu noqon

Sidii boqaradii  hore

Ma mid soo baqanayoo

Booli quutayaashiyo

Kuwa balada sheegtiyo

Beenaalayaashiyo

Bahaa bahaa la yaashiyo

Ma mid talo biduu noqon ?

 

Mise wiil  buruud loo

Runta aan ka baydhinoo

Bariinsada xaqiiqdoo

Baladkeena oo idil

Olalihii balaadhnaa 

Boogii  na soo maray

Baashira dadkeenoo

Kala bogsiiya buu noqon?

 

Sidii boqoradii   hore

Ma mid  taladu baahdoo

Beel dhani ka talisoo

Bilistiyo haweenkiyo

Burdoow inan-la yaalkiyo

Kuwa baydka joogiyo

Badh kaloo la sheegiyo

Wadadii buska lahayd

Iska sii bagaafoo

Ooy ka baahdo buu noqon

Mise wiil   is bidayoo

Dadku ay u bogaanoo

Go,aan buuxa qaatoo

Baladii  qabiilkiyo

Xilkii beeshi haysiyo

Reerihii is bidi  jiray

Boqorkii yimaadaba

Inay  boho wadaagaan

Bulsho iska xigsiin jiray

Ma mid banaanka geeyoo

Baal mara  ayuu  noqon

Sidii boqaradii hore

Ma mid  musuqu baahoo

Sixir barar daraadeed

Maatidu basaas too

Barrii iyo askarigii

Beesadii  ay qaateen

Rufuc burra u goynoo

Baradii hargaysana

Biyo la,aan   daraadeed

Dadkii  uga boqooleen 

Ma mid aan bartaa iyo

Badal aan samaynoo

Lagu bogaadinbuu noqon?

 

Mise   beela daajiyo

Kii lagu badhaadhee

Barwaaqeeya koonkee

Qiima bararka suushee

Biyo la,aan bal daayoo

Baadroolka noo qodee

Beesha caalamkoo idil

U bandhiga  aqoonsiga

Inta  baaqi uu yahayna

La badalin ayuu noqon

 

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.