Wakiilka Dawllada Jabuuti Ufadhdiya Somaliland Oo Wasaarada Arimaha Dibadda U Gudbiyey Codsiga Kiis Hanti Ma Guurto ah Oo Lagu Haysto Qoys Reer Jabuutiya


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 23:59:07
Codsigan nuxurka Qoraalka ah ee Wakiilka Dawllada Jabuuti u Qaabilsan Somaliland ku socodsiiyay,Wasaarada Arimaha Dibadda

Hargeysa(HWN)-Wakiilka u fadhiya Somaliland Dawllada Jabuuti Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa,u gudbiyey codsi qoraal ah Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland,codsigaas oo nuxurkiisu daaran yahey kiis Dacwadeed Hanti ma guurto ah oo lagu haysto Qoys Reer Jabuuti ah kaas oo dacwadiisu mudo ka socotey Caasimada Somaliland ee Hargeysa.






class="m648843102101013709xmsonormal" style="background-image: initial; background-position: initial; background-size: initial; background-repeat: initial; background-attachment: initial; background-origin: initial; background-clip: initial;"> Codsigan nuxurka Qoraalka ah ee Wakiilka Dawllada Jabuuti u Qaabilsan Somaliland ku socodsiiyay,Wasaarada Arimaha Dibadda waxa kale oo uu ku lamaaneeyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,isagoo gal dacwadeedka Hantidan,iyo nidaamka loo waajahey garsoorkeeda ku xusey in cabashada Qoysku ku began tahey, Maamulka D/hoose ee Caasimada oo iyagu majara habaabiyey garsoorkii islamarkaana, mulkiyad u sameeyay dadkii kirada ugu jirey Dhismahan hantida Ma guurtada ah ee Qoyska Reer Jabuuti ka dacwoonayaan.

Halkan kaga bogo nuxurka Qoraalka Wakiilka Dawllada Jabuuti u fadhiya Somaliland u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Geesta kale Muwaadinka Reer Jabuuti Naasir Cabdilaahi Nuur ee dacwadani khuseyso,oo qeybo kamid ah Warbaahinta Somaliland cabashadiisa soo gaadhsiiyay ayaa siweyn cadaalad daro uga tirsadey D/hoose ee Caasimada Hargeysa oo sifo khaldan Mulkiyad ugu sameysay dadkii kirada ugu jirey hantidooda Ma Guurtada ah ku tilmaamey isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi

Cadaalad Darooyinka nagu dhacay Ee Aanu kala kulanay Garsoorka Somaliland waxaa kamid ah anagoo maxkamada  degmada ay nooga socoto kiis dhaxal ah oo ay qoyskayaga ka dhexeeyay isla markaana, ay maxkamada degmadu xukuntay in aan qof ama laba iibin Karin guri ka mid ah guryaha aanu qoys ahaan ku leenahay, ayaa waxa mucjiso nagu noqotay in nin Maxkamada racfaanka iska tagay isagoon ka mid ahayn xataa qoyskan dhaxalku ka dhexeeyo waxaana la yidhi waa soo dhex gale kaasi oo maxkamadii si sharciga baalmaransan ugu xukuntay guri uu leeyahay waalayga iibiiyay”Ayuu yidhi.

Dacwadan oo in mudo ah ka socotey Somaliland ayaa,dhawaan la eegi doonaa qaabka ay u waajahdo Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku kadib marka dhawaan lagu dhawaaqo Xukuumadda Cusub.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.