Talaabooyinkii Hore La Arag Tusaaluhuse waa Tusmada Cusubi ma Tubtii Dawladnimey Noqon Mise Tawstii Hore? Faallo


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 23:11:06
Waa dhab in badi rayul-caamka Bulshada Somaliland guud ahaanba u dhegtaagayo

Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi marka loo eego xantiisii hore iyo Talaabooyinka uu hadda qaadey ka hor intii aanu si rasmi ah ula wareegin Xilka hogaaminta Qaranka waxaa qeyb ka ah qodobo muhiim ah oo ay Bulshadu soo dhaweysay haba noqdeen kuwa muuqda ee kullanada qeybaha ururada Bulshada,Madax dhaqanka ee Beelaha qaarkood,iyo gacan haadinta Siyaasiyiintii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, iyo waliba xanshashaqa ku aadan taako uu iskaga dhigey Xubnihii hore ee Golaha Xukuumadda xiligeedu dhamaadey ee Madaxweyne Siilaanyo.


initial; background-position: initial; background-size: initial; background-repeat: initial; background-attachment: initial; background-origin: initial; background-clip: initial;">

Waa dhab in badi rayul-caamka Bulshada Somaliland guud ahaanba u dhegtaagayo Dhismaha Tusmada Cusub ee Golaha Xukuumadiisa inta ay ka kooban tahey,iyo qaabka uu usoo dhigayo shaxdooda taas,oo ku began sida la filayo Sabtida Todobaadka Sadexaad ee ku beegan marka uu Caleemasaarku ka dhaco khamiista todobaadka dambe, Xarunta Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ay xilka kula wareegi Doonaan, isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo,waxaana badiba shacabku xiligan odoroskooda saadaasha laga filayo Xukuumadda uu soo dhisayaa noqon doontaa mid ka duwan nidaamka Xukuumadda Kulmiye eek a horeysay,marka gees kasta laga qiyaaso sida ay hadalheynta shacbigu u badan tahey,wakhti xaadirkan.

Sikasta oo ay arimuhu yihiin,filashada ugu weyn ee xiligan shacbiga Reer Somaliland u hamuun qabaan ayaa, noqoneysa in ay arkaan Madaxweyne ciyaaraya doorkiisa Siyaasadeed iyo aragtida arimaha khusuusiga u ah in uu ku ambaqaado,nidaamkii uu ku hogaamin lahaa Qarankan mudada u jeelanaa in ay mar kaliya arkaan,isbadelka loogu baaqo wakhtiyadda ololaha loolanka jagada Madaxweyne lagu guda jiro,taas oo Xukuumadda Xilka wareejinysa ee Xisbiga Kulmiye hogaankii talada dalka ku majara habaabisey nidaam cayladeed,iyo qaraabo kiil dib usoo nooleysa Qabyaalad Somaliland ka bogsan laheyd,nabarradii kasoo gaadhey dagaalo sokeeye iyo cahdigii beelaha oo kaliya ku fiican saami qeybsiga dhinaca kuraasta Xukuumadda.

Gabagabadii Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa laga dhursugayaa sida uu uga xuubsiibto,qaabkii uu kusoo galey ololaha Doorashadda iyo sida uu uga dabaasho kaadiriyiintii Xisbiga Kulmiye ee qabyaalada kusoo ololeeyay,taas oo seeska u dhigi doonta waa cusub oo Somaliland kaga badbaado marxaladaha cusub ee ay xiligan waajahdey,islamarkaana lagaga bogsan doono riiqda ay kaga tagtey Xukuumadani,waxaaney Taariikda u fureysaa bogag cusub oo tusmada cusubi ku noqon doonto Tusaalaha Dawladnimo ama tawstii hore.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.