Waxaan Ugu Baaqayaa Shirkaddaha Internetka Bixiya Inay Xayirraada ka Qaaddaan Hadhwanaagnews


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 22:08:18
Bulshada Soomaalilaand Aqbali Mayso In Shirkada Isgaadhsiinta Internetka Iyo Xukuumada

Bulshada Soomaalilaand Aqbali Mayso In Shirkada Isgaadhsiinta Internetka Iyo Xukuumada Soomaalilaand Isku Kaashaddaan Inay Xayiraan Shabakada Caalamiga Ah Ee Hadhwanaag

Tan iyo maalintii Doorashadii Nabadgalyada iyo Quruxda ku dhammaatay dalka ka dhacday,Murashaxiintii Madaxwaynaha ee u tartantay Doorashadaasina si Bisayl,Walaaltinimo iyo Wadaniyadi ka muuqato isugu hambalyeeyeen Doorashada Madaxtooyada,




iyadoo indhaha beesha Caalamka u jeedisay Soomaalilaand oo Sumcadii S/land sare u kacday,waxaa wax laga xumaado in Talaabadii ku xigtay noqotay in la cabudhiyo Saxaafada Xorta ah, iyadoo isku dayga Xukuumada S/land iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo iskaashaanayaa ku dhaqaaqaan Talaabooyin lagu cabudhinayo Warbaahinta Madaxa-banaan.

Iyadoo goobaha Bulshadu ku kulmaa si wayn looga hadal hayo, Xayiraada Shirkadaha Isgaadhsiinta Internetku saareen Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaag, waxaana isa soo taraya diidmada Bulshada S/land ku diidan yihiin talaabooyinka ay Shirkadaha Isgaadhsiinta Internetka Iyo Xukuumada S/land oo Iskaashanyaa ku cabudhinayaan Saxaafada Xorta ah,iyagoo talaabadii u horaysay ku xayireen  Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaag oo lagu tilmaami karo Dagaal tijaabo ah oo lagu soo qaaday Xoriyada Aasaasiga ah ee Dastoorka S/land siiyay Muwaadiniinta lagu soo qaaday.

Iyadoo Bulshadii faraha badnayd ee ku xidhnayd Wararka Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaag ayna heli Karin oo ay ka xayiraad Shirkadaha Isgaadhsiinta Internetka S/land.

Ugu dambayn waxaan ugu Baaqayaa in Shirkadaha Isgaadhsiinta Internet ay xayiraada ka qaadaan Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaag,hadii kale waxaanu anagoo Macmiil badan ah wada jir u joojin doonaa Adeegyada ay bixiyaan ee Internetka,anagoo Beesha Caalamka u sheegi doona jidka ay qaadeen Shirkadaha Isgaadhsiinta Internetka ee Soomaalilaand   

 Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Gabiley, Soomaalilaand   




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.