Maxa Laga Baran Kara Ololihii Doorashadda 2017-Ka Iyo Sababaha Loo Aanaynayo Guuldaradda Xisbiga WADDANI.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 18:19:52
Dimuqraadiyadda Somaliland way ka duwan tahay ta reer galbeedka, haddii aad dalalka horumaray ee dimuqraadiyada inoo soo waariday


Sida aynu qaybtii hore ku sheegnay sababaha xisbiyaddu ku kala guulaysteen iyo sababta midna ugu hadhay, midna ku guulaystay waxaad ka fal celin kartaa ama aad qiimeyn kartaa marka aad daraasad ku samayso qaababkii xisbiyaddu ololaha u galeen iyo qorsheyaasha uu xisbi walba u dajiyey sidii uu codadka dadweynaha u hanan lahaa, waxaanu mid walba marayey dariiq u gaar ah oo ay soo dajiyeen khubaradda xisbiyahanku u dhigeen qaababka  majaraha u ah in ay ku guulaysan karayeen, iyagoo maanka ku haya in tartanku yahay guul iyo guuldaro oo aanu ninna isa siin guusha,isla markaana kaliya tijaabinayaan qorshayaasha u dhigteen inay guusha ku gaadhaan, haddii tooddu socon waydana khaladaadkii hore




intay daraasadeeyaan wax ka bartaan khaladkii hore  qorshe cusubna dajiyaan.

Dimuqraadiyadda Somaliland way ka duwan tahay ta reer galbeedka, haddii aad dalalka horumaray ee dimuqraadiyada inoo soo waariday ka soo minguuriso qaababka ay ololaha u galaan markiiba waxaad iska indho tirtay halka aad ku nooshahay inay tahay bulsho dhaqan iyo diin leh, isla markaana aynu aad u kala dhaqan iyo diin duwanahay bulshadda reer galbeedka ee aynu ku dayano, sidaas darteed, dimuqraadiyada wadankeenu waxay ku dhisantahay  mid aynu ku salaynay dhaqankeena, diinteena iyo in yar oo aan badnayn oo aynu ka soo qaadanay reer galbeedka, iyadoo la isku daray baynu inagu ku dhaqannaa oo inoo nidaam siyaasadeed ah, laakiin guud ahaan in sideeda loo soo minguuriyo dhaqan bulsho kale oo aynu isku dayno inay wadankeena ku shaqaysiino way adkaanaysaa, tusaale ahaan, waxa inagga inoo taliya madax dhaqameed iyo culimo oo wax walba ku salaynaya wixii aynu hidaha u lahayn wax taas ka duwan haddii aad isku daydo cid ka ogolaanaysa ma jirto, ta labaad waxaynu nahay bulsho xidid iyo xigaal wada ah oo dhinacyo badan iska soo gasha, halka reer galbeedku wax ay ka xishoodaan aanay jirin dhaqan iyo diin xakamaysana ma jirto, waa bulshadaasi qofka laga horumarinayo Xawawaanka.

Aynu usoo noqono mawduuceenna, xisbiyaddu sida u kala qurbo joog badan yihiin  iyo sida talooyinkoodda ka soo jeeda reer galbeednimo u kala fuliyaan ayey bulshadda isku seegaan, dadka wadanka ku noollina inta badan ma jecla inay saamayn toos ah ku yeeshaan dawladda, waxaanay isku hayaan siyaabo hoose oo mar walba dadku way ka dareen celinayaan marka xilal badan la siiyo qurbo joogta, waxaanay u arkaan kuwo aan fahmi Karin dhaqanka bulshada iyo xeer hoosaadka lagu dhaqmo ee bulshada isku haya.

Bal hadaba hadii aynu hore usoo qornay siyaabaha loo aanaynayo inuu KULMIYE ku guulaystay oo aynu qodobaynay bal hadaba sababta xisbiga WADDANI ku hadhay iyo meelaha uu ku liitay aynu is waydiino, waxaanay qodobadan hoose yihiin waxyaalihii aan u arkay inuu ku hooseeyey ee sababtay guuldaradda:-

  1. Xisbiga WADANI marka horeba saaxadda siyaasada wuu ku cusbaa, xisbiga uu la tartamayey wuxuu ahaa xisbi gaamuray oo muxaafadna ah inuu ku barbar dhacaba guul u ah Waddani.

2.   Xisbiga WADANI wuxuu ka gaabiyey inuu xulufaysi ka balaadhan labadda deegaan ee galbeedka Burco iyo gobolka Hawd sameeyo oo deegaanadda kale ku qanciyo inay iska bahaystaan xisbiga taladda haya ee KULMIYE, halka uu KUlMIYE xulufaysi la yeeshay deegaanadda ugu dadka badan gobolada Somaliland.

3.  Xisbiga WADANI dadkii wuu ka qancin kari waayey Dacaayadaha kulmiye ku eedeeyey WADANI ee ahaa inuu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya, taasina waxay keentay in dad badan oo markii hore taageersanaa ka biyo diidaan jawaabaha aan qotodda dheereyn ee hogaamiyahooddu ka bixiyey eedahaasi halis galin karayey yoolkoodda.

4. Xisbiga WADANI mudaddii uu jiray waxa uu dayacay kaalintii mucaaradnimo ee ahayd inuu xukuumadda toosiyo, waxaana hogaamiyaha xisbiga WADANi ka door biday inuu mucaarad u ban baxo inuu ahaado gudoomiyaha golaha Wakiiladda, taasina waxay gayeysiisay in wax kasta oo xukuumaddu samayso khalad iyo saxba la qaybsado maadaama oo uu dawladdii ka mid yahay.

5.  Xisbiga WADANI wuxuu la heshiin kari waayey  dhigiisa kale ee mucaarad ahaa sida xisbiga UCID oo wada shaqayntii uu lahaa meesha ka baxday, sidoo kale, kooxdii Madasha wadatashiga oo rag waaweyn oo bulshada  ixtiraam ku leh ku jireen heshiis wada shaqayn lama yeelan ama is bahaysi, culays badana iskama saarin inay xisbiga ku soo daraan si ay usii kordhiyaan mucaaradadda.

6. Intii hore xisbiga WADANI taageerashiisu iyaga ku gacan sareeyey baraha bulshadda ee dadku ku wada xidhiidhaan, haseyeeshee lixdii bilood ee u dambeeyey ayey taageerayaasha xisbiga KULMIYE daacayado badan oo ka dhan ah musharaxa WADANI iyo xisbiga WADANi ku faafiyeen  baraha bulshada, kuwaas oo u badnaa waraaqo la sameeyey oo foojari ahaa oo laga keenayey Soomaaliya iyo muuqaalo laga soo duubayey dadka taageersan xisbiga WADANI, taasina waxay ka hor imanaysay dadkii ay codka ka rabeen oo looga dhigay in cid kale wadato xisbiga, iskumayna weynayn in dadka wararkaasi gaadhayaan fariimo ay kaga jawaabayaan gaadhsiiyaan ama beeninta daacadaha.

7.  Siyaasiyiintii ka soo jeeda deegaanka musharaxa  kulmiye ee xisbiga WADANI ku jiray waxay falalka ay samaynayeen ee u badnayd aflagaadadda iyo shakhsi caygu waxay taageerayaal usoo jiiday xisbiga kulmiye, waxaanay midaysay deegaanada musharax Muuse Biixi ka soo jeedo.

8.  Xidhiidhka dawladaha gobolka  oo saamayn ku leh siyaasada gudaha ee Somaliland xisbiga WADANI wuu ka gaabiyey, waxaana kaga badiyey xisbiga KULMIYE.

 9. barnaamij siyaasadeedka xisbiga WADANI si fiican looma faafin,isla markaana shacabka lama gaadhsiin,  dadku inta badan way is waydiin jireen maxa dadka loogu soo bandhigi waayey barnaamijka xisbiga, iyadoo ay ugu dambaysay wakhtigii uu qabyo qoraalka ahaa, halka Kulmiye qodob qodob loo faafinayey gobol walba u gaadhsiiyey.

10. Xisbiga WADANI wuxuu xaga hore soo dhigay masuuliyiin wasiiro soo noqday oo dadku u arkeeyeen inay xumaantan laga cabanayo qaybka ahaayeen, taas oo loo arkay in isbedelka uu ku ololaynayaa waxba ka jirin mar hadii ay hor boodayaan wasiiradii xukuumadii hore ee aadka loo dhaliili jiray.

11.          Xisbiga WADANI waxa uu ku guulaysan kari waayey inuu sameeyo siyaasad ka soo horjeeda jeegaanta oo deegaanadii kale ka dhaadhicin kari waayey inay iyaguna jeegaan kale oo ka soo horjeedda samaystaan, inkastoo siyaasada fiican ahayd markii uu xulufaysi la samaystay gobolka Hawd oo uu u ballan qaaday in xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo siyaasi mudakar ah uu ku guulaystay inuu noqon doono gudoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga WADDANI,marka uu WADDANI guulaysto.

 12.         Musharaxa u tartamayey xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro waxa uu xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inay yihiin qurbojoog aan dhaqanka iyo deegaankaba aqoon u lahayn, taas oo isna jawaab dadka wada qancisa aanu kabixin,isla markaana kaliya ku ololaynayey dublamaasi dalalka dibadda aqoon u leh inuu yahay, haseyeeshee dadka wadanka jooga waxay u baahnaayeen qof deegaankooda kala yaqaan iyo sida loo kala dego ilayn waa nin madaxweyne doonayo waana waajib inuu deegaanka aad  u yaqaanno qofka madaxweyne doonaya.

13.          Xisbiga WADDANI waxa uu culays badan saaray uun dadka ku nool magaalooyinka waaweyn oo kaliya, taasina waxay keentay in lagaga adkaato reer miyigii iyo xoolo dhaqataddii oo ah dadka ugu badan ee codeeya.

14.          Xisbiga WADDANI waxa ku badnaa qurbo jooga, kuwaas oo iyagu dajinayey qorshayaasha ololaha, waxaanay iyagu awoodda saareen goobo gaar ah oo u badan deegaanadda uu taageerayaasha badan ku leeyahay xisbiga kULMIYE, halka ay ahayd in deegaanadda aan aadka looga taageersanayn KULMIYE ka ololeeyo oo wakhti badan ku .lumiyo, haseyeeshee istaraaatijiyadaasi way ka lumintay waana sababaha ugu weyn ee uu ku guuldaraystay.

15.          Xisbiga WADANI waxa uu markiiba u riyaaqay siyaasiyiin waaweyn oo ka soo jeeda deegaanka musharaxa Muuse Biixi oo uu xisbiga WADANI u arkayey inay codad badan u keenayaan, taas oo markii dambe sidii ay rabeen u dhici wayday ka dib markii siyaasiyiintii waaweynayd codadba uga keeni kari waayeen deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Guntii iyo gabogabadii qof kasta oo siyaasi doonaya inuu noqdo ama mustaqbalka hungurayanay inuu dalkan hogaamiye ka noqdo waa inay dib u darsanaan qorshayaasha labaddan xisbi ee KULMIYE iyo WADANI ku kala badiyeen iyo xisbi walba qaabkay ololaha u galeen, taas oo ku tusaysa sawirka saxda ah ee aad olole siyaasadeed ku gali doonto, waana casharo badan oo dadka siyaasada soo gali doonaa wax badan ka anfici doona sida istaraajiyadaha siyaasadeed ee codadka iyo taageeraasha loo kala kasbado iyo dadka ku nool deegaanada kala duwan waxay kala xiiseeyaan.

Dadku inta badan kama helaan waxaas baan idin qaban doonaa, laakiin waxay ka jecel yihiin qof deegaankooda wax ka yaqaan oo dadkoodii hore taariikhdooda haya oo amaantoodda iyo waxay mushtamaca u tari jireen ka sheekeeya,waana muhiim qofka musharaxi inuu dadkiisa habdhaqankooda aad u yaqaanno, waayo waa bulsho wali joogta reer guuraanimadii.

Barkhad-ladiif M. Cumar

[email protected]

252-634489033

Hargeysa, Somaliland.

 

Dhamaad.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.