Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Faa,iidada Heshiisyo Ay Soomaaliya La Gashay Dawladaha Maraykanka Iyo Qatar


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 15:39:34
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Faa,iidada Heshiisyo Ay Soomaaliya La Gashay Dawladaha Maraykanka Iyo Qatar

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay heshiisyo ay xukuumadiisu la gashay dawladaha Maraykanka Iyo Qatar.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiisyadani xoojinayaan xidhiidhka dhaxeeya wadankiisa iyo dawladahaas ay heshiiska la galeen.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya heshiisyada ay soomaaliya gashay ayaa waxa uu yidhi “Heshiisyada aanu la galnay dawladaha Maraykanka Iyo Qatar waxay xoojinyaan xidhiidhka wakhtigan naga dhaxeeya dawladahaasi, waxaanay cadayn u yihiin sida uu u xoogaysanayo iskaashiga xidhiidhka aanu la leenahay wadamada caalamka iyo kalsoonida lagu qabo hay’addaha kala duwan ee dawlada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale bogaadiyey heshiisyadan oo uu




ku sheegay qaar horumarineed, kuwaas oo uu tilmaamay inay wax badan ka tari doonaan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, horu marinta xarumaha dawlada iyo shaqo abuurka loo samaynayo dhalinyarada soomaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka  hadlaya faa,iidada heshiisyadan ayaa waxa uu yidhi “Maal gellintan iyo taageerada horu marineed ee loo fidiyey soomaaliya ee awoodaas leh maaha mid ku koobnaan doonta dib u dhiska dalka balse waa mid kor u qaadaysa horu marinta kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo horseedaysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka soomaaliya, waxaanay markhaati u tahay dedaalka aanu ku bixinayno in soomaaliya ay ku nanaqaado nabad barwaaqo iyo horu mar.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isaga oo  guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.