Hogaamiyaha Khaatumo Oo Ka Hadlay Heshiiskii Ay La Galeen Somaliland Sababta Keentay In Baarlamaanka Lasoo Mariyo.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 12:48:46
halkan Daawo Muuqaal

Hargaysa(HWN)Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa markii ugu horaysay ka hadlay guddoomiyaha golaha guurtidda oo sheegay in ay haboon tahay heshiiskii Somaliland la gashay khaatumo in lasoo mariyo golaha baarlamaanka si dib u eegis loogu sameeyo.

Cali Khaliif galayadh ayaa geesta kale sheegay In heshiiskaasi uu keenay in ay gobolada bariga ay ka hano qaado Nabad buuxda,taasina aanu halmaami Karin guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

“Arintaas uu guddoomiyaha golaha guurtidu ku kacay sax weeyaan waxanina wax lala dhuum-dhuumanayay may ahayne siilaanyo iyo cali khaliif kumay ee kayne,khaatumo iyo Somaliland ayaa muddo laba sanno ah soowadda waday,golaha wakiiladuna iyagu way soo dhaweyeen




wayna ku raceen in lala hadlo maamulka khaatumo,hawshaasina meel fiican ayay maraysaa waxa waynina wuu qabsoomay ay nabadu ugu wayn tahay iyo is dhexmarka baac-muushtarkuna way suurtoobeen.sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlayay Eryal Tv

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata hogaamiyaha maamulka khaatumo Cali Khaliif galaydh.”Guddoomiyaha waa runtiisa oo in heshiiskan la mariyo baarlamaanka,hadana dastuurka Somaliland waxa ku qoran heshiisyadda lagalo siyaabo kala duwan ayaa loo Ansixin karaa ama loo fulin karaa,lakiin isagu haduu qabo inaan golayaasha la horkeenin anagu taas waxba kama qabno in la marinaya waanu soo dhawaynaynaa.

Cali Khaliif galaydha aya geesta kale sheegay in madaxwaynaha cusub ee Somaliland looga fadhiyo inuu fuliyo heshiisyadaas ay xukuumadii hore ee madaxwayne siilaanyo gashay fulinteeda waxaana uu yidhi.

“Hawshani hawl culus ayay ahayd markaas fulinteeda waxa laga doonayaa madaxwaynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi cabdi,waar anagu waxaanu qabnaa in heshiiskaas gobolada sool,sanaag iyo cayn guddoomiye saleebaan laftiisu diidanayay in ay danta Somaliland ku jirto heshiiskaasi inuu dhaco wax lawadda leeyahayna in dhidibadda loo Aaso.

Gaba-gabadii madaxwaynaha maamulka khaatumo cali khaliif galaydh waxa uu amaanay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ee taladda ka siidagaya doorkii uu ku lahaa in heshiiskaasi midho dhalo.

HadhwanaagNews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.