Iska Jir Mirqaanka


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 09:43:21
Waxa uu is yidhi malaha bahasha meel dhaw baad dhigtaye fogee oo gee meel aanay guriga ka soo aqoonsan Karin. Inta uu qaaday buu geeyay

Nin baa wuxuu ahaa dadkan aadka u mirqaama, waxaanu aad u jeclaa markasta inuu guriga iskaga qaylo, gurigiisa waxaa joogtay ninkaa bisad (mukulaal) nafta u keentay oo dhibtay, waxa uu jeclaystay inuu fogeeyo kadib jawaan buu ku riday oo uu ku qaaday, markuu toban xafadood dhaafiyay buu meel ku tuuray cidlo ah oo iska soo laabtay, gurigii markuu soo galayba waa joogtaa bisada wana yaabay.

Waxa uu is yidhi malaha bahasha meel dhaw baad dhigtaye fogee oo gee meel aanay guriga ka soo aqoonsan Karin. Inta uu qaaday buu geeyay meel gurigiisa 40 xafadood ka shishaysa oo labatan luuq kala leexday buu halkaas ku tuuray. Waxaanu is yidhi iska laabo




oo gurigaagii tag, mise waaba aqoonsan kari waayay wadadii xaafada loo marayay iyo meel gurigii ka xigo. Inta uu geed hoos fadhiistay buu telefoonka la soo baxayoo garaacay xaaskiisii ku yidhi “baby waxaan ku waydiiyay mukulaashii (bisadi) ma joogtaa”, waxayna ugu jawaabtay  haa, intuu qoslay buu yidhi naa iigu dhiib dhoofaarka xun waan lumaye.

Allaa mahad leh

Qaliinkii:Cabdikariim sh. Maxamuud Cabdilahi “suldaanka”

[email protected], [email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.