Hadaan shacabkayga toosin. Maanso


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 08:03:38
Tilmaanta halkii ku fiican Dadkii hore uu ka tagay Dalxiisku u tago wanaaga Lacagta toomin oo ka qaadan

Hadaan shacabkayga toosin

Hadaan cilmigooda taaban

Hadaan loo tartamin wanaaga

Nimcada wadankayga taala

Hadaan tayadeeda muujin

Dhulkaygaba waan ka tagi

 

Tahriibeey hadaan ku tuuray

Hadaan taladaada xooray

Hadaan tawxiidka eebe

Salaaduna taam ahaato

Barwaaqada noo timaada

Adaa taranteeda yaabbi

 

Hadaan beerahayga toocsan

Hadaan dhulka riig ku taagin

Hadaan tabcan oo qodaalka

Timirta midhaheeda tuujin

Hadaan tawakalin dalkayga

Dhulkaygaba waan ka tagi

 

Hadaan badda toos u aadin

Hadaan shebeg teedsan dhiganin

Kaluunka hadaanan tuulin

Hadaan wershadaha u taagin

Hadaan u tartamin aduunku

Nimcada wadankayga taala

Dhulkaygaba waa ka tagi

 

Hadaan xoolahan tarmaaya

Tirada badan aan ka iibsan

Dhaqaalaha tiir dhexaadka

Hadaan uga dhigin mid taagan

Taywaan iyo jayne doonto

Dhulkaygaba waan




ka tagi

 

Macadanta turqan ee kabuuxda

Togaga jeexyada dhexdooda

Turuga wadhan ee la dhaafo

Aqoonta hadaanan taaban

Turkiga iibkeedu gaadhin

Faqriga tahan aan ka guurin

Dhulkaygaba waan ka tagi

 

Tilmaanta halkii ku fiican

Dadkii hore uu ka tagay

Dalxiisku u tago wanaaga

Lacagta toomin oo ka qaadan

Nimcadan wadankayga taala

Dhulkaygaba waan ka tagi

 

Dhaqanka ruuxna tiigsan waayey

Hadaan tusin oo aduunka

Inaan ka tagaynin abid

Indha uga dhigi taswiir

Tan iyo waaguu abuurmay

Inaan tabinaayey oo

Tix aan guuraynin yahay

Hadalka taabsiin dhamman

Dhulkaygaba waan ka tagi

 

Qabyaaladda tuhunka beertay

Dadkana tafaraaruq galisay

Tusbuxu meeshuu u yaallo

Hadaan taranteeda goynin

Tabliiq iyo culima iyo

Taageerada diinta xoojin

Dhulkaygaba waan ka tagi

 

Hadaan toobiyaha hagaajin

Dhulkaba laami aan ku toosin

Dadkuna tahan toog ka raysan

Tabcaankiyo daalka biinin

Tuuliyo gobol aanan simin

Dhulkaygaba waan ka tagi

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.