Waanada Dhacdooyinka –Mal Caamadda Nolosha


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 06, 2017 07:45:52
Waxa ka dhacaya dhulka dushiisu waa waanooyin ay muhiimtahay in aynu u fiirsanno ooynu ka faa`iidno casharro inoo noqda xakame iyo hadh nabadeed

Noloshu waa dugsi kuu dhigaya cilmiyo badan oo ku wada suntan islaamka ka dhigo dhaqan

-ISHAAROOYINKA KOONKA

koonkan cirkiisa iyo dhulkiisu waxay bixinayaan ishaarooyin ku leh: (ashahaado, tuko, sakee, soon, xaj-tag). (Rumee alle, malaa igtiisa, kitaabyadiisa, rasuulladiisa, maalinta danbe iyo qaddarka). (Ahaw samo fale oo alle u caabud sidii adoo arka). Heerkan haddaad gaadho waxaad tahay weli uu alle ilaashado, oo uu u fidiyo taageero u ilaalisa dareemihiisa shanta ah. Waa derejo lagu gaadho dedaal iyo waafajin alle.

-U FIIRSI IYO KA FAA`IDAYSI

Waxa ka dhacaya dhulka dushiisu waa waanooyin ay muhiimtahay in aynu u fiirsanno ooynu ka faa`iidno casharro inoo noqda xakame iyo hadh nabadeed

-GUUSHA RASMIGA AH

Adduunyada




waa laga tegayaaye meesha mudan in loo alaab gurtaa waa aakhiro “ naf waliba dhimasho ayay dhadhamin abaalkiinana waxaan idiin oo finaynaa maalinta qiyaama qofkase naar laga bed-baadsho ee janno lageeyo ayaa dhab ahaan guulaystay, aduunyaduse waa uun alaab lagu dagmayo” tar-jumidda aayadda 185 suuradda Aali cimraan.

-FURSADDA GARAADKA

Umadihii dunida soo maray ee cidhib xumada ku danbeeyey waxa ka hadhay war waano u ah cidda garaadka leh.

-DAMIIRKA NOOL

Boqorradii magaca iyo maamuuska lahaan jiray wax hadda lagu hadal hayaa`i majiro oon ka ahayn raadad ay taariikhdu sadarro ku sheegto oo ay ku waano qaataan dadka damiirkoodu nool yahay.

-JIILKA RAJEDA

Kacdoonnadii dhacay, dabaylihii kacay, guluufihii la isku jaray, dhulalkii lakala dhacay, xoolihii laka boobay iyo dhamaan duufaannadii dhalan geddiyey nolosha waxaa ku jira waano ku socota duulka rejada u leh taariikh suuban inuu kaga tago nolosha.

-GU`GII CARABTA

Gugii dhawaa ee shucuubta car-beed uga curtay tuniisiya sannadkii 2011kii ee daadkii kacdoonkoodu latagay madax doodii ku sifaysnayd kibirka, xad-gudubka, keli taliska, xaq-dafirka, cadaw-raaca, kursi-caashaqa, iyo xil-dayaca.

-FARRIIMO TABAN IYO TILMAAMO TOGAN

Wuxuu ahaa gu` yaab leh oo fariimo taban u diray madaxda iyo shucuubtaba, til-maamo toganna siiyay hoggaamiyeyaasha soo socda ee faraha u sii taaganaya ku fadhiisiga kuraasta talada dalalkooda.

-XAALADA UGU DAN-BEEYSA NOLOSHA KELI TALISKA

Qaabka ay u dhinteen madaxda qaarkood ee laga yaabo in qaar kalena ay hayaan wadadooda waxaa ku sugan casharro ay ka mid yihiin

    In dulmiga cidhibtiisu fool-xuntahay.

    In uuna keli talisku lahayn wax saaxiib la ah.

    In xoog- ga askartu yahay dun-caareed hadday caddaaladdu liicdo.

    In uuna alle u gar-gaarin cidda xad-gudubka ku socota.

    In macaansiga kursiga madax-tooyadu yahay sun inta hore macaan aayar aayarna qofka u disha.

-DHEGTII WAANSANBAA WAX WEELAYSA

Dhacdooyinka dunida waxaa ku jira waano lahad laysa qofka muslimka ah waxaana dhacdo walba ku ladhan cod odhanaya.

    Awood allaa iska leh.

    Addoonow alle ha illaawin.

    Dadku way siman yihiin caddaan iyo madaw.

    Xad-gudubku wuxuu gubaa ciddiisa.

    Qofka shaqo wanaagsan qabta lab ama dhedig isagoo alle ramaysan wuxuu noolaadaa nolol wanaagsan  abaalmarin waafi ahna aakharo ayuu ugu tegi.

Axmed nuur cabdisalaam cali

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.