Guddida Qaban Qaabada Xuska 18-ka May Ee Washington Iyo Hareeraheeda Oo Fariimo Muhiim Ah U Diray Jaaliyada Somaliland


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 06, 2017 00:20:39
Guddida Qaban Qaabada Xuska 18-ka May Ee Washington Iyo Hareeraheeda Oo Fariimo Muhiim Ah U Diray Jaaliyada Somaliland

Washington(HWN):-Guddida gacanta ku haysa u diyaar garawga munaasibada 18-ka  May ee ku beegan sanad guurada 26aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida  somaliland ee lagu qabanayo magaalada Washington ee cariga dalka Maraykanka ayaa fariin u diray jaaliyada somaliland ee ku dhaqan Washington iyo hareeraheeda.

Guddida ayaa jaaliyada ku war galisay wakhtiga la qabanayo munaasibada loogu dabaal dagayo 18-ka May, kuwaas oo sheegay in xaflada la qaban doono 19-ka May oo ku beegan maalin jimce ah.

Sidoo kale xubnaha guddida ahi waxay ku war geliyeen jaaliyada in lacagta ka soo xaroota munaasibadan loogu deeqi doono dadka ku dhaqan somaliland ee ay




saameeyeen abaaruhu, waxaanay jaaliyada  kula dardaarmeen inay ka soo qayb galaan si taakulada abaarta loogu helo dhaqaale badan.

Magacyada Xubnaha Guddida.

1.     Jamaal Yuusuf Daroor

2.     Kanachi Maxamed Khawi

3.     Kaltuun Xuseen Ciise

4.     Maxamed Hariir

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.