Akhriso Qodobada Lagu Gaadhay Maamul Wanaaga Iyo Dawlad Wanaaga Oo Aan Hal Santi Inagu Kacay..W/Q Rashiid Sulub CaalinAkhriso


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 22, 2017 13:46:06
Akhriso Qodobada Lagu Gaadhay Maamul Wanaaga Iyo Dawlad Wanaaga Oo Aan Hal Santi Inagu Kacay..W/Q Rashiid Sulub Caalin

Qodobkii 1aad: Koontiinaro ubax ah

“Dhugta Oo U Dhaga-Nuglaada Kuna Dhaqma 100-ka Qodob Ee Ka fog Siyaasadaha Ee aynu Ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo U Hagar-Baxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.”


Mar labaadkana waxaan halkan tacsi uga dirayaa saaxiibkay aqoonyahankii iyo abwaankii ku geeriyooday magaaladan Hargeysa arbacadii dhowayd Maxamed Jaamac Kayd. Sida aynu badankeenu la soconno waayaha adduunkani subax walba khayr iyo sharba maalin walba waji gooniya ayuu inoola yimaadddaa. Shaqooyinka ay u xil saaran yihiin abwaanadda iyo qorayaashuna waxay dul hoganaysaa kolba wajiga subaxdaa uu




waayuhu wato. Waxaanay u tolaaan shaadh iyo sirwaalka amma diraca iyo shalmadda ay is leeyihiin waad u xidhi kartaan, si ay bulshada culuum dheeraad ah uga siiyaan si ay u fahmaan wajiga maalintaa waayuhu leeyahay iyo wacyiga jira, iyagoo aan ka gabban kana waaban xilkoodaas.Waana arrin soo jireen ahayd abidkeed.Qodobkii 1aad: Koontiinaro ubax ah (faraawil macmal ah oo caag laga sameeyey oo sannad  walba aynu dibadda ka soo waaridno). Ugu horrayn, waxaan Ilaahay ka baryeyaa inuu inaga aqballo salaadda roobdoonta ah ee aynu tukannay iyo ducaddii aynu barinay, oo Ilaahay inaga dul-qaado dhibaatada abaartan waddanka halakaysay.

Qaddiyadaas waxaynu masal ugu soo qaadanaynaa, badhtamihii sideetamaadkii markii ay Soomaaliya ka dheragtay dagaallo, abaaro iyo talo-xumeeyin is barkaday. Isla markaana maamul-wanaaggii lagu horumari lahaana daaqadda laga xooray, oo loo guntaday dano shaqsiyeed, reereed iyo mid kooxeed, ayaa abwaan Cabdi Muxumed Ilaahay ha u naxariistee, isagoo tebaya waayaha aynu kor ku xusnay ayaa sidii looga bartay wuxuu hab suugaaneed dhar qurux badan ugu xidhay hees caan noqotay oo maskaxda dadkii markaa joogay yar iyo waynba gashay, oo ay ku luuqayso Saado Cali Warsame ilaahay ha u naxariistee oo la odhan jiray ‘maan-guracan iyo garasho-jaan, Laangaruusal gado soo bari galley, gacaliyo tolloow, maad guddoonsataan baahida gudboon, ee guryeheena taalla’.

Ujeeddada ay xambaarsan tahay heestaasi oo iska waadixa, waxay taagan tahay maanta iyadoo waji kale leh. Taasna waxaan uga socdaa in maanta dalkeenii aan gacmaheena ku dhaxalsiinay talo-xumo aynu kaga leexanay maamul-wanaaggii la wada manaafacaadsan lahaa.

Arrinkaas maamul-wanaagga laga leexday, oo si ulakac looga leexday meel fog ka dooni mayno, oo waxa caddayn inoogu filan, in maanta waddankeena Soomaaliland gudihiisa aad ku arkayso, iyadoo la keenayo faraawillo caag ah oo dabadda laga soo waaridayo. Halka ay ku baxaan lacag malaayiin doolar oo aan inaga gu’I karayn , iyadoo dadkuna ay ka iibsanayaan bacadlayaasha si ay ugu qurxiyaan guryahooda amma xafiisyadooda.

Haddaba, garashadan-jaan ee faraawiladaas inoo geeysey, oo aanay jirin wax macno ah oo ay ku soo kordhinayaan nolosheena dhinac kasta markaad ka eegto, iyadoo ay qirayaan culimadda baratay Cilmiga Bulshada Iyo kuwa ku takhasusay Cilmiga Kimistariga iyo kuwa kuwa ku takhasusay Caafimaadka Bulshada iyo culimadda Beeraha, oo ay xaqiijiyeen in dhib mooyaane aanay dheef lahayn.Haddaynu wax yar ka soo qaadano faraawiladda caagga ah ee guryaha iyo xafiisyadda la dhig-dhigo, waxay ka samaysan yihiin kiimiko aan u fiicnayn nadaafadda guriga iyo ta dadkaba.Tusaale ahaan, waxa fuulla faraawillada duqsiga iyo cayayaanka kale oo hoy ka dhigta kuna dhala.Marka ay muddo yar yaallaana waxay noqdaan qaar la tuuro, oo waxa is beddela arragoodda iyo urtooda. Waxaana qoomamo mudan xafiisyada iyo guryaha lagu sharaxo, gaar ahaan marka xafladaha iyo aroosyada lagu sharaxo, iyadoo ay jiraan dad la jaar ah amma goobta yimid oo laga yaabo inaan dabkaba loo shidin dhowr cisho. Waxaana hubaal ah, haddii uu maamul-wanaag, kala-dambayn iyo is jeclaani ay jiri lahayd in la joojin lahaa.

Waxaana indhaha dadweynaha laga soo jeedin lahaa amma dowladda markaa jirtaa ay ku khasbilahayd qofkii doonaya inuu beerto! Marka la beero waa la iib geyn lahaa ,sida waddamada Kenya iyo waddamo badan oo Afrikaan ah, oo samaystay beero casri ah oo ubax noocyo badan leh laga soo saaro oo ay uga soo hoyato dhaqaale gaadhaya balaayiin doolar. Sidoo kale, dadkeenu way ku sharaxan lahayd gurigeeda ciddii u ciil-qabtaa amma u bukta faraawil, waxaana dalkeena ka soo gali lahayd lacag badan oo inaga filnaan lahayd wax badan oo aynu barino aduunka amma wax lagu sheego ‘Deeq-bixiye’.Sidoo kale, haddaynaan waxba hagranayn oo aynu wadaagayno talo fiican, oo aynu maamul-wanaag la imanayno, oo aynu kala dambayno waxa hubaal ah in magaalooyinkeena oo dhan aynu biyo gashan lahayn.Waxa waliba intaas dheer, daraasadaha ay sameeyeen kuwa aynu baryeyno ay caddaynayaan, in biyaha ku jira Somaliland ay yihiin kuwa ugu badan adduunka uguna macaanxataa loo iib gayn lahaa waddamada Carabta iyo kuwo kale oo ay biyuhu ku yar yihiin.

Dhibaatadaasi kuma koobna faraawilka, laakiin waxa kaba daran qaadka, iyadoo boqolaal malyan oo doolar ku baxaan sannadkii.Waxaana hubaal ah in haddii loo leexin lahaa dhinaca kalluumaysiga ay faa’iido badan keeni lahayd gudaha dalka.Sidoo kalena, aynu u iib gayn lahayn waddamadda aynu jaarka nahay, inagoo beddel uga dhigi lahayn kalluunka badaheena ceegaaga iyo milixda inaynu u iib gayno, iyadoo ay inoo saamaxayso badda dheer ee aynu leenahay lagana heli karo kalluun badan.Waxaanay taasi iman lahayd haddii ay gartaan dadka aynu maamulka u dhiibanay ee habeenkii u gudaya danahooda gaarka ah.

Haddii aynu ka soo qaadano tuduc gabayaagii waynaa Cabdilaahi Suldaan Timacadde Ilaahay ha u naxariistee wuxuu yidhi ‘Doqonimo kugu baahday, ayaan ciddi kaa dowayne’. Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, wuxuu qof walba garanayaa in shicib iyo dowladba aynu cagta ku hayno waddo qaldan oo maamul-xumo ah, oo calaamatu-su’aal weyn saaraysa sii jiritaanka nolosheena markii aynu wax walba baabi’inay, iyadoo miyigeenii, xoolaheenii iyo beereheenii ay noqdeen wax aan jirin oo afkeena uun ay ku sii hadheen. Halka debaddii loo dhoof-dhoofi

jirayna ay inaga soo oodmayso.Sidoo kale, waxay calaamatu-su’aal weyn saaran tahay sababta aynu isku waydiin waynay wixii lagaga gudbi lahaa dhibaatooyinkan oo uu maamul-wanaaggu ugu horreeyo.

Waxa iyaduna xusid mudan hagrashada maamul-wanaagga, inaynu ka soo qaadano 3 masal.Waaggii ay jirtay dowladdii Siyaad Barre intii ay fayoobayd, oo aynu inteena waa weyni aynu wada garanayno.Waxa waqtigaas aan ka hadlayno loogu taag waayey bulshadii Soomaaliyeed inay kalluunka la soo baxaan.Waxay markaa dowladdii markaa jirtay soo saartay amar ah, in aan la qali Karin xoolo nool maalinta arbacadda oo ay qasab kaga dhigtay bulshadii

inay badda dad badan u foof tagaan, si loo baro bulshada isticmaalka kalluunka.Taasi oo keentay markii dambe natiijooyin wanaagsan oo laga faa’iiday.Sidoo kale, waxay amar ku bixisay in aan la dhoofin Karin xoolaha dheddig si aanay u dabar go’in.Taasoo natiijo fiican oo dhinaca xoolaha ah keentay. Ta 3-aad, waxa waqtigaasi soo food saaray dhulkii wabiyada ee jannadu wadhnayd bacaad (ciid dabayli waddo oo meel walba ka dhigaysa saxare). Ka dib waxay

dowladdii go’aansatay in lagu beero deegaanadaas geedka loo yaqaan tiinka si loogaga hor tago dhibaatada bacaadka, iyadoo madaxdii markaasi joogtay ay maalin walba kala qayb gali jireen beeritaanka geedka tiinka.Taasi oo lagu najaxay 100%.Shacabkiina waxay ku barbar istaageen gacan, qal fayoobaan iyo tacab. Waxaan ku soo koobi lahaa, Ilaahow taladda wanaagsan na waafaji.

Fiiro gaar ah: sida aynu ognahay Soomaalidu waxbay isku cajiintaaye, waxa ka reebban qormadan in cid gaar ah loola jeedo amma lagu weerarayo sida kuwa keena faraawiladda iyo qaadka, oo ay la mid yihiin kuwa keena beedka, digaagga iyo toonta. Ujeeddaduna tahay maxaa danteena guud u dan ah. Sidoo kale, ma jirto aqoon aan is bidayo oo aan dadka kale kaga wanaagsanahay maamul-wanaagga, laakiin aan qabsaday shaqadayda oo ah Daaci, Mufakar.

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Qodobada Kale

Samafale iyo Qoraa. LA SOCO,

ALAA MAHAD LEH.

Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.