Khudbaddii Macasalaameynta Ee Madaxweyne Obama Iyo Aftahanimadii Ka Muuqatay!!


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 11:09:44
waxa uu uu jeediyey khudbad ay qiiro iyo dareen midnimo uu ku abuuraayey dadweynihii daawanaayay iyo kuwii kala socday warbaahintaba

Madaxweynaha Mareykankan ee hadda ka kasii caraabaaya,guriga cad ee Obama,ayaa waxa uu sidaan wada maqalnay, salaasadii jeediyey,Khudbaddiisii ugu dambeysay ee uu dadweynaha mareykanka ku sii macasalaameynaayey,ayaa waxa uu ka jeediyey Gobolka (Chicago).halkaasi ama goobtaasi oo ahayd halkii uu ka bilaabay sideed sano ka hor,ololihiisii uu doonaayey in noqdo Madaxweynaha Mareykanka.ololahaasi oo halku dhiggiisu ahaa ama uu isticmaalay ee haa(We need change).Madaxweyne Obama waxa uu ka hadlay oo uu si ballaadhan uga xog waramay waxa uu soo qabtay intii uu guriga cad  joogay ee seddeeda sano ahayd. Waxa uu qodob qodob ugu dul istaagay halkii la maraayeen




ka hor 8 sano iyo intii uuna xilka qaban
.waxa uu khudbadda ugu dheeraaday in uu dib dadweynaha mareykanka xasuustooda u celiyo markii uu bilaabay ololihiisii isbaddaldoonka ahaa.., waxa uu uu jeediyey khudbad ay qiiro iyo dareen midnimo  uu ku abuuraayey dadweynihii daawanaayay iyo kuwii kala socday warbaahintaba.waxay ahayd khubad si fiican loo soo agaasimay oo lagu qabtay meel aad iyo aad u qurux badan oo si habaysan oo uu ku ay ku xardhantahay astaamaha iyo calanka mareykanku.Madaxweyne Obama waxa uu aad iyo aad carrabka ugu adkeeyey in ay shalay…maantu dhaanto….oo dhaqaalihii iyo mushaharkii iyo yoomihiyii shaqaaluhuba kordheen. In ay  caafimaadii wax ka qabteen….iyo in dadka isbadal ku dhacay oo  reysteen.Madaxweyne Obama waxa uu ku dheeraaday hadal iyo hawraar ba,si uu dadka u tusiyo in uu waxqabtay,oo ayna ku khasaarin doorashadiisii…waxana uu ku celceliyey ..in meel fiican la maraayo …laakiin aan la joogin halkii lagu hamiyaayey ee la hiigsanaayey,dhammaanteed,hawl badan ayaa inoo taalla.waxa uu yidhi.(We are not,where we need to be,all of us have more work to do),Obama waxa isku dayay in uu dardaaran ka tago ah,in aan la iskala qoqobin ama aan la isjidh necbaan ama aan la ismidab takoorin. Waxa uu yidhi,haddii aan dooneyno in aan hore u soconno,waa in aan joojinnaa oo aan daboolnaa midab-takoorka iyo yasitaanka.(Going forward,we must uphold against discrimination).Madaxweyne Obama waxa uu isticmaalaayey khudbadiisa dhexdeeda kaftanka macaaneeya,hadalka.taas oo uu markasta ku helaayey sacab iyo taageero saro kac!!!.waxa yidhi,haddii aan markii ololaha aan ku jiray idiin idhaahdo,,…dalka kuuba ayaan bog cusub la fureynaa,ama shaqo abuuristii ugu ballaadhney abid ayaan sameyneynaa ama Nukliyeerka Iiraan ayaan xidheynaa iyada oo aan xabad rasaas ah,la ridin,waxaad odhan lahaydeen,… cirkaad noo calaamadineysaa ama iska hadloow ina higarre!!!Obama khudbadiisii xiisaha iyo xogta xambaarsaneyd ayuu iska sii watay ilaa uu gaadhay…dabayaaqadii khudbadiisadabadeed,waxa uu mar qudha dareenkii dadka u jeediyey dhinacaas iyo xaaskiisii iyo hablihiisii uu dhalay,waxa uu yidhi,Wataa xaaskeygii halkaasi soo fadhida,hablahaygiina la fadhiyaan…..!! Marwadayda Misheel 25 sano oo aanu wada joognay oo aanu isqabnay may ahayn uun,xaaskeygii laakiin…saaxiibkaygii qaaliga ahayd ayey ahayd,..amaan ayuu u miisay waxay faraxday oo ay kala badatay oo dadkii oo dhammi u sacabiyeey, waxa yidhi,…Qaali waxaad ka dhigtay guriga cad meel dadka oo dhammi ku soo hirtaan,anigana waxaad iga dhigtay nin geesiya oo ragga ka soo mudh yidhi,waa uu sii waday amaantii,hablihiisii ayuu iyana amaanay,dabadeed waxa uu u galay madaxweyne ku xigeenkiisii…. ay soo wadashaqeeyeen, oo uu yidhi,wax badan ayaad ila soo qabtay oo aad talooyin isiisay oo aad isoo caawisay,oo aad nusdambeed ii ahayd,…..hadal iyo dhammaan khudbaadaasi waxa ay ahayd….tusaale fiican oo looga baahanyahay in uu sameeyo hogaamiyey….xil madaxweyne doonaaya ama ka sii socda. Waxa uu hadalka ku adkeeyey in uu xukunka u wareejin doono si milgo iyo maamuus leh,oo  ah,dimuquraadiyad dhammeystiran!!

Qore:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari)

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan School for English!!

Email:aragtiwanaagsan@gmail.com.

Facebook:abdiazizyonis.

Tell:063 4175733,

Hargeysa,Somaliland.

President Barack Obama's Farewell Address (Full Speech) | NBC News

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.