Waxaan Bulshada Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Ogaysiinaynaa Inay Muddo Xileedkii Guddida SSUK Dhamaatay La Gaadhay


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 07:39:12
Waqtigii Guddi Kale La Wareegi Lahayd

 

O G A Y S I I S     O G A Y S I I S     O G A Y S I I S     O G A Y S I I S

Waxaan bulshada Somaliland ee ku dhaqan UK ogaysiinaynaa inay muddo xileedkii Guddida SSUK dhamaatay oo la gaadhay waqtigii Guddi kale la wareegi lahayd xilka hogaaminta dalada Jaaliyada Somaliland UK (SSUK).  Sida awgeed, waxaanu ka codsanaynaa ciddii danaynaysa rag iyo dumar inay isu soo sharaxdo jagoonyinka kala ah: 1. GUDOOMIYAHA JAALIYADA. 2. GUDOOMIYE KU XIGEEN inay soo gudbiyaan codsiyadooda iyo CV yadooda ugu dambayn 21.01.2017kuna soo gudbiyaan emailkan:    

info@ssuk.org.uk

Shuruudaha laga rabo




Gudoomiyaha:

-          Inuu yahay Jaamici haysta ugu yaraan (BA, BSC) ama wax u dhigma

-          Inuu hore uga soo hawl galay ugu yaraan: a) hay-ad ama urur u dhigma SSUK

-          Inaanu xil u haynin Xusbi siyaasi ah

-          Inuu haysto waqti uu ku gudan karo xilka

-          Inuu yahay shakhsi aan ku dhaqmin qabyaalad, bulshaduna u siman tahay.

Shir weynaha lagu kala dooron doono xubnaha isa soo sharaxa wuxuu qabsoomi doona maalinta SABTIDA EE BISHU TAHAY 28.01.2017 KULKAY SAACADU TAHAY 3.00 – 7.00 GALABNIMO. Goobta shirkuna wa:   1 Chignell Place, West Ealing, W13 0JT.

Wa billahi tawfiiq

Gud/ SSUK

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.