Waa Maanso Lamagac Baxday Jidhaamalay


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 07:09:15
Jalaw dhabadka fooraha Intuu jiq iska soo dhigay Jawi gelin danbeedkii Jirda gooye galabsaday

Gu, jir-dhigay horaantii
Joogteeyay dhawr wiig
Jeedaalinteediyo
Saadaasha jamashadu
Sideed-guuro lagu jiro
Nayruush ku jaan go,an
Jimce seben barwaaqo ah
 
Oo dirir ku joogsaday


rgb(0, 0, 0); font-family: Verdana; font-size: x-small;"> Xalay jaanis lagu waday
Dayaxana la jaaroo
Sayr ma waydo jaba yidhi
Oo subax jarmaadaha
Cirku waqalo jiifiyo 
Jalaw dhabadka fooraha
Intuu jiq iska soo dhigay
Jawi gelin danbeedkii
Jirda gooye galabsaday
Onkod jibin dhacaayiyo
hillaac jeedal ugu qoray
Ku jartoo cadceeduna
Midabaysay jeegaan
 
Oo dibu yar kala jaray
Jaanis gaaban saacado
Judha fiid cawayskii
Miiraale jimicsaday
Jabad qariye kaga dhigay
Oo jiidha waaberi
Mayay jaah madoobe ah
Mar kaleeto jiiraa
Ku celceliyay dhawr jeer
 
Oo Jahada goobtuna
Jajab-kii caleen wayn
Jimbac iyo lafii ceeg
Jufka qool gahaydhliyo
Marmarood ku jiifsaday
Qoraxduna nin joogii
Jeegaan qandoodiyo
Sagal jiidan leedahay
Oo jooga-joogaha
Xoolahu jarmaadaa
Inay dharabka jiidhaan
Bariisada ka jecelyiin
 
Oo jabi-okaa iyo
Jaw-jawlihii baxay
Xaqaqaradu jilcdoo
Xamashku isku joogsaday
Xareeduna dhex jiiftoo
Godankiyo jidhaamahu
Kuligood jamiranyiin
 
Oo jabad madhaaftiyo
Degel joogta maqashana
Naylo jeenyo calamo le
Dhex gurguurto jemelkuna
Jeeraaro galabtii
Jagi-jagi garmaamaa
Hadba dhan isu jiideen
 
Oo jaha kaleetona
Jaleecoda il-doogsiga
Soo mayrac jeedaan
Gamaan midab jiciir iyo
Jil guduud casaaniyo
Caynab joof madoobe ah
Jaanyar dhogrta xiismoo
Ku jiraan bulaale ah
Oo jeedal lala dhaco
Jare iyo xakame guba
Ka jareero qaba oo
Mudo dheerna laga jiray
 
Oo seben la joogiyo
Jiilaalo dhawrana
Dirir lagu jujuubiyo
Meel laysu jilib dhigay
Jiitama colaadeed
Jabaq-deedu soo dhicin
Oo muruqa jeeniga
Sararta iyo jinaadkana
Farawgu isku joogoo
Ishu daymo jeceshahay
Jamaalkooda aragtida
 
Oo jaar wadaagtiyo
Jiiraanka derisadu
Nabad laysku jecelyoo
Ixtiraam ku joogaan
 
Oo jare u taagane
Barbaar weli u jeel qaba
Jaflo inay garaacdaan
Markay joogto goortii
Laga jeesto xoolaha
Dhalinyaro jaraysani
Jaan dheer cayaartii
Jamciyaan cawayskii
Oo aanay kala jarin
Ilaa jiidhku oogsado
 
Oo jamashadii guur 
Labadii jacayl dhaba
Iyadoon jujuub jirin
In ay nolol ku jaaraan
Jaaniskeeda helayee
Calafna isu jilib xidhay
Marka jabadu yeedhee
Rukumada jadiidka ah
Lagu joojo dhidbkee
Judha meherka loo xidho
Gadaal jabad yagleelkna
Axad loo jifeeyoo
Jaho midigta reerka ah
Jeled wada xariiriyo
Moole looga jaaribay
 
Oo jara-butayntiyo
Gaafka jelelebkiisana
Jalaadkii mashxaradiyo
Jigta iyo durbaankiyo
Jiibtu isu yeedhoo
Jibadiyo cayaartna
Wirdi caawa lagu jiro
 
Jamashada dhulkeeniyo
Dhaqankeena soo jiray
Jecliyaa xogtiisiyo
In-aan jaahil laga noqon
Hidaheena jiitee
Da,yar tuna ka jeedaan
----------------------------------------------------------------
Xuseen Xaamud Af.madaw
 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.