Fariin Caafimaad: Sharciga Fayadhawrka Ee Dawlada Hoose Loga Baahan Yahay In Ay Ku Dhaqmaan


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 19:44:03
Sidoo kale waxa dhacda in badeecadaha ganacsi sababo sifo maamul cashuur dawladeed ah ay mudo yaalan dakadaha dalalka

Qaabka shaqo ee fayadhowrahu u eegi karo ama u baadhi karo goobaha ganacsi iyo badeecadaha iibka u yaala la socodka taarikhdooda isticmaal

Inkastoo dalkeena ay wax kasta uga yimaadan dibadaha  hadana waqtiyada ganacsiga dibada lagu  gudo jiro ma ilaalino  badeecada iyo goobta keydinta fayadhowrkeeda  waxa dhacdo in ganacsadahu isago aan eegayn caafimadka bulshadiisa iyo  fayadhowrka badeecadisa ganacsi in uu sharaab  food stuf  dawooyin uu ku keeno ama ku soo rido  contener aan qaboojiye lahayn

Sidoo kale waxa dhacda in badeecadaha ganacsi  sababo sifo maamul  cashuur dawladeed ah ay mudo yaalan dakadaha dalalka

Markaa waxa isbadal fayadhowr ku iman karaa badeecadaha sida dhadhan badal kaga yimid kulka  fooc ku yimid ama




daxal  weelka badeecada sida daasadaha  isla markaa astaamaha ama aad ku aragto calaamadaha  badeecadaha nooc kasta oo ay ahaadan  lama iibin

   Karo sifo maamul awood fayadhowr fayadhowrahu waa in uu  ku labisnaada dirayska shaqaalaha dawliga ee fayadhowrka sido kale waa in uu sita warqada aqoonsiga ee shaqaalanimada  fayadhowr marka uu soo galo goobta ganacsi si uu u eego  badeecadaha iyo tayadooda waxtar waa in uu u sheega masuulka ganacsadaha goobta howsha uu u socdaa  waxa kale oo loo baahanyahay in warqad qoraal ah oo ka socota moyarka caasimada in ay gali karaan goobta ganacsi waa in ay haystaan shaqaalaha fayadhowrka dawliga ahi

Fayadhowrahu waxa uu guda galaya howshiisa shaqo isagoo eegaya taariikhda badeecada goobta  iyo muqaalka badeecadaha sida daasadaha in ay daxalaysteen  in ay fooc ku yimid  taaso sababi karta in dhadhanka badeecadaasi is badalay  arimaha noocas iyo waxa keeni kara waxaynu kaga soo hadalay kor

Waxa kale oo muhiim ah in aynu ka hadalo  qaabka shaqo ee loola socon karo rashinada iyo isbadalkooda fayadhowr

Rashinka sida bariiska iyo baastada iyo daqiiqda waxa loo baahan yahay in goobta lagu kaydinayo ay ahaato goob waafaqsan sharciga fayadhowrka iyo qawaanintiisa  sida in goobta keydintu ay ahaato goob hawada u furan oo ka xafidan cayayaanka sida baranbarada  jiirka etc

Waxa loo baahan yahay in fayadhowru uu eega  rashinada midabkooda muqaal sida in ur rashinku leeyahay  ama daaniye ku dhashay  taarikhda isticmaal ee logu talo galay rashinka  marka la tixraaco taarikhda soo bixida

Inta badan rashinada isticmaalkoda waxa lagu up date gareeyey mudo hal sano in la isticmaali karo

Waxa loo baahan yahay in astaamaha kor ku xusan oo dhan hadii fayadhowrka goobtu uu la kulmo waa in uu qaado talabo  joojin in la iibiyo badeecadahas awooda shaqo ee fayadhowrka

Np rashinada ganacsadahu kama badali karo galka lagu soo dhoofiyey ee warshadu ay ku soo saartay waa dambi  mana haboona in ganacsatadu ay isku daydo arimaha oo khilaafsan  sharciga fayadhowrka dalka  u yaala waxa jira ganacsato waawayn oo marka ay soo dajnayaan badeecadaha sida rationka soo raaciya  baco madhan oo ay ku qoran tahay  taarikhda soo bixista iyo taarikhda  dhicista  si hadhow ay ugu wareejiyaan  rashin dhacay ama aan lala socon waqtiga tayada isticmaalkiisa taas oo khilaafsan shrciga tayada fayadhowrka badeecadaha 

Fariin caafimaad halkan waxan ugu gudbinayaa ganacsadaha  hamdi store  oo runtii  ah ganacsadaha ugu badeecadaha wanaagsan  suuqa idaacada ahna ganacsade  had iyo goor ilaaliya fayadhowrka la xidhiidha ganacsigiisa   ganacsadahan oo dhaqan galiyey  joojinta ka ganacsiga badeecada  iibka bacaha

Buux Ibrahim <buux0210@gmail.com

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.