Soomaalilaan: Khilaafkii Xisbiyadii 1960-kii Iyo kuwa Wakhtigan, W/Q: Cali Cabdi Coomay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 19:00:19
Xubno aaminsanaa in toos loo bilaabo halgan gobonimo doon ah, oo shaaca laga qaado dadka shacabka ahna loo sheego.

Xisbigii NUF

NUF waxa la aas-aasay sannadkii 1954-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Axmed Xasan Ibraahim. Xogahaye guudna waxa ka ahaa Maykal Maryaano. Xisbigan aas-aaskiisu wuxuu ka dhashay markii dhukla Hawd iyo Researve Area ingiriisku ku wareejiyay dalka Itoobiya. Ka dib la diray wefti ka socda Somaliland oo la kulmay dawlada ingiriiska gaar ahaan Baarlamaanka.

Is-qab-qabsi Xisbiga Dhexdiisa ka dhacay

Xudunta khilaafka ayaa ku fadhiday laba arrimood:

ü  Xubno aaminsanaa in toos loo bilaabo halgan gobonimo doon ah, oo shaaca laga qaado dadka shacabka ahna loo sheego.

ü  Xubno aamisanaa inaan lagu deg-degin halgan toos ah, maadaama oo ingiriiskii dalka haysto, oo caqabadi jirto.

Khilaafkii ayaa sii laba kacleeyay, ka




dib wuxuu buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray labadii garab ee kala aaminsanaa labada fikir. Xarunta xisbiga oo ahayd Khayriyada ayaa buuq iyo gacan ka hadalku ka dhacay. Ka dib ingiriiskii ayaa soo kala dhexgalay. Isagoo ku marmarsoonaya amaanka magaalada Hargaysa ayaa khatar gelaya. Ingiriiskii ayaa albaabada u laabay xaruntii Khayriyada ee xisbiga NUF.

Dhexdhexaadintii ingiriiska ee labada garab

Labadii garab ee NUF u kala qaybsanayaa ayuu ingiriisku isugu yeedhay. Ka dib ingiriiskii ayaa wuxuu yidhi garabkii haysta taageerada shacabka ayaa la wareegaya xarunta xisbiga ee Khayriyada. Markii la isugu yimid goobtii ayaa ay teegeero bateen garabkii ka soo horeejaday guddoomiyaha iyo xoghayaha.

Markii ay garabkani ku dhawaaqeen xisbigan SNL ayaa lagu wareejiyay xaruntii Khayriyada, halka xisbigii ku hadhay NUF ay kiraysteen guri waqooyi kaga began fooqa oryatanka.

Xisbigii SNL

Xisbiga SNL waxa la aas-aasay sannadkii 1956-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Xaaji Cumar Askar, halka xoghayaha guudna ka ahaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal Xubnihii horoodk ka ahaa waxa ay ahaayeen: Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale, Shaqalle, Cumar Hadraawi, Duqsi, Cali Maygaag Samatar. Xisbigani wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay Somaliland. Xisbigani wuxuu markii dambe noqday kii ku guulaystay xubnihii ugu badnaa ee Baarlamaanka Somaliland sannadkii 1960-kii.

 

Is-qab-qabsi Xisbiga Dhexdiisa ka dhacay

Markii xisbigii SNL ku guulaystay Doorashadii Baarlamaanka ee Somaliland horaantii sannadkii 1960-kii. Ayuu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay xisbiga. Khilaafkani wuxuu salka ku hayay laba arrimood oo kala ahaa:

ü  In qorshe loo sameeyo qaabka midowga dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, oo aan lagu deg-degin in toos loola midoobo Soomaaliya.

ü  Iyo koox aaminsan inaan shuruud lagu xidhin wax qorshe ahna la samayn, oo si deg-deg ah loola midoobo Soomaaliya, maadaamoo walaalaheen ay diyaar inoo yihiin.

Labadan fikradood ayaa u kala qaybiyay xisbigii laba garab, oo si weyn isu haysta, oo aan dabka kala qaadan.

Dhexdhexaadintii labada garab

Xubno ka tirsan xisbiga oo labada fikradood midna taageersanayn ayaa isu-xilqaamay inay isu-soo jiidaan labada garab. Markii khilaafku meel weyn marayo ayay dhexdhexaadinta ku soo biireen odayaashii ugu caansanayd reer Hargaysa. Labadii garab ayaa ku gacan saydhay qorshihii labada dhinac la isugu keeni lahaa. Isagoo khilaafku halkaasi maraya ayay dhacday midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya. Taasina waxa ay keentay in xubnihii Baarlamaanka ee SNL ay laba garab u kala fadhiistaan xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya. Halkaasina waxa ku burburay midowgii xisbiga SNL.

Xisbigii USP

Xisbigan USP waxa la aas-aasay sannadkii 1958-kii. Xubnihii aas-aaska ka ahaa xisbigan waxa ay ahaayeen: Jaamac Muxumed, Cabdale Xaaji Faarax, Xaaji Ibraahin Nuur, Xaaji Cilmi Samatar iyo Xaaji Daahir Cilmi. Xubnahani waxa ay ka kala socdeen magaalooyinka Boorama iyo Laascaanood.

Khilaafkii xisbiga kala qaybiyay

Horaantii sannadkii 1959-kii ayuu khilaad xoogani ka dhexqarxay laba garab oo kala taageersanaa labadan fikradood:

v  In xisbiga USP la balaadhiyo oo taageerayaal laga samaysto  magaalooyinka waaweyn ee Hargaysa, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo.

v  Iyo koox taageersanayd inaan loo baahnayn is-balaadhin, ee lagu koobnaado magaalooyinka Boorma iyo Laascaanood.

Arrintaasi haystay xisbiyadii Soomaalilaan ee 1960-kii waxa ay weli ka muuqataa xisbiyadan Soomaalilaan ee wakhtigan ka jira dalka. Marka la soo ururiyo, waxa is-qaban la’ dhaqankeennii reernnimo iyo ilbaxnada markii magaalooyinka la soo galay ee wax-wada-lahaansha la bartay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 [email protected]

    Tix-Raacyo:

Taariikhda Maantu, waa siyaasadii shalay(2013)……… Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka)

Geeddi-nololeedkii Yuusuf X. Adan………………….Foosiya Yuusuf .X Adan

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.