Hoos U Dhac Ku Yimid Dadka Qaxoontiga Ah Ee Galaya Dalka Jarmalka Iyo Sababta Keentay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 14:51:57
Hoos U Dhac Ku Yimid Dadka Qaxoontiga Ah Ee Galaya Dalka Jarmalka Iyo Sababta Keentay

Jermalka ayaa sheegay in ay soo gaareen 280,000 oo ruux oo magangalyo doon ah sanadkii 2016kii, taas oo 600,000 oo ruux ka yar sanadkii ka sii horeeyay ee 2015kii.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jermalka ayaa sheegay in hoos u dhacaas uu ka yimid marinkii Balkan-ka ee la xiray iyo heshiishkii qaxootiga ee Turkiga iyo Midawga Yurub ay gaareen.

Tiradii ugu badnayd ee soogalooti ah oo gaaraya 890,000 ayaa iyaga oo muhaajiriin iyo qaxooti ah ku safray wadada Giriigga iyo Balkan-ka.

Dadkaas ayaa Jermalka u jihaystay ka dib markii hogaamiyaha Jermalka Angela Merkel ay qaadatay qorshe albaabada loogu furayo qaxootiga.

Go'aankii ay




ku laashay shuruucdii Midawga Yurub ee dhigayay in qofka magangalyo doonka ah laga diiwaan galiyo dalka u horeeya ee uu soo galo ayay uga gol lahayd dadka faraha badan ee Suuriyaanka ah ee dalkeeda u soo qaxaya, balse dad kale oo badan oo dalal kale u dhashay ayaa isla wadadaas maray.

Arrinta soo galootiga ayaa xaalad wayn oo siyaasadeed ka noqotay Jermalka ka hor doorashada heer faderaal ee Dayrta dhici doonta.

Codbixiyeyaashuna waxay doorashada gobollada ee sanadkii hore ku muujiyeen in aysan la dhacsanayn xisbiga CDU, Merkel-na waxay qiratay in si sidan ka wanaagsan loo maarayn karay dhibaatada soogalootiga.

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.