Somaliland:-Mucaaridka Oo Taariikhda Markii Ugu Horaysay Dalbanaya In Mudo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Ay Ka Soo Horjeedaan....Warbixin


(Hadhwanaagnews) Monday, January 09, 2017 22:09:54
Somaliland:-Mucaaridka Oo Taariikhda Markii Ugu Horaysay Dalbanaya In Mudo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Ay Ka Soo HorjeedaanÂ…Warbixin

Hargeysa(HWN):-Waxa gaba gaba ku dhaw wakhtigii dheeraadka ahaa ee mudo xileedka loo kordhiyey xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbiga Kulmiye, iyada oo ay soo dhawaatay wakhtigii lagu tala galay in la qabto doorashada madaxtooyada.

Mudo xileedka dhamaanaya ee xukuumada somaliland iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada ayaa waxa kulamo dhawr ah iskaga yimid guddida doorashada, madaxweynaha somaliland iyo madaxda xisbiyada qaranka, kuwaas oo si mug leh uga arinsanayey waxa laga yeelayo doorashada maadaama oo dalku ku jiro xaalad adag oo abaareed, kuwaas oo aan wax isgarad ah wada gaadhin.

Guddida doorashooyinka somaliland oo laftirkooda ay qabyo ka yihiin hawlo badan oo u




baahan in la dhamaystiro wakhtiga doorashada ka hor ayaa dhinacooda kulamo door ah la qaatay hogaamiyayaasha asxaabta siyaasada somaliland, kuwaas oo u soo bandhigay daraasad ay ka soo sameeyeen duruufta  abaareed ee ka jirta dalka, iyaga oo sheegay inaanay xaalada abaareed ee dalka ka jirtaa  saamaxayn in doorashada wakhtigeedii la qabto isla markaana kaadhadhkii codbixinta la qaybiyo.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani ayaa guddida doorashada kula dooday inaanay diyaar u ahayn doorasho wakhtigan dalka ka dhacda, iyaga oo sheegay inay u naxayaan dadka faraha badan ee ay abaartu saamaysay, waxaanay dalbadeen in doorashada dib loo dhigo isla markaana mudo kordhin loo sameeyo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, walaw aanay dibada u soo bixin mudada ay doonayaan in loo kordhiyo xukuumada.

 Xisbiyada  Ucid Iyo Waddani ayaa noqday  mucaaridkii ugu horeeyey ee ka jira somaliland kuwaas oo dalbada in mudo kordhin loo sameeyo xukuumada ay ka soo horjeedaan, taas oo daaha ka faydaysa isbadal mug leh oo ku yimid xisbiyada mucaaridka ah ee ka jira somaliland iyo mawqifyada ay qaadanayaan wakhtiyada dalku xaalada adag ku jiro, inkasta oo xisbiga Waddani hore u diiday go,aan loogu danaynayey dadkii abaartu ku saamaysay gobolada galbeedka  kaas oo lagu joojinayey diwaangelintii wakhtigaas dalka ka socotay, balse hada waxa uu qaatay go,aan ka duwan kii hore.

Waxa xusuus mudan in Wakhtigii uu dalka ka talinayey madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ay khilaafyada ugu badan ee dhinaca siyaasadu ka dhalan jireen mudo kordhin ay xukuumadu dalbanayso iyo mucaaridka oo mar kasta si adag uga soo horjeedi jiray, taas oo in badan keentay inay ka dhashaan mudaharaadyo iyo gadood iska hor keenay shacabka iyo ciidamada amaanka.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Hadhwanaag Staff Writters

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.