Hay'adda Havoyoco Oo Soo Bandhigtay Wax-soosaarka Xarunta Tababarada Xirfadaha Gacanta ee Hay'addaasi.


(Hadhwanaagnews) Monday, January 09, 2017 16:35:43
Halkan Ka Akhriso Warkan.

Hargaysa(HWN):-Waxa maanta xarunta Tababarada ee Haayada Havoyoco lagu qabtay munaasibad lagu soo bandhigayey wax-soosaarka xaruntaasi si bulshada loo tuso waxqabadkeeda.

Bandhigan oo ay iska kaashadeen Haayadaha Havoyoco iyo Save The Children waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka socda Wasaaradaha Waxbarashada iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Ganacsato, Culimo-awdiin, Waalidiinta ubadkoodu wax bartaan xaruntaasi, Masuul ka socday Haayada Save Children, Madaxda Haayada Havoyoco iyo Marti Sharaf Kale.






alt="" src="/attached/IMG_3725.JPG" style=" 500px;" />

Ugu horeyntii waxa bandhigaasi ka hadlay Cabdishukuur Cali Aar oo ah Madaxa Mashaariicda Dhalinyarada iyo Shaqo Abuurka ee Haayada Havoyoco waxaana uu ka waramay tirada ardayda ay gacanta ku hayso xarunta tababarada ee haayada Havoyoco oo uu ku sheegay saddex boqo oo arday oo barta xirfado kala duwan, waxa kale oo uu xusay in ardayda ka soo baxa Jaamacadaha dalka ay baraan xirfadihii u sahli lahaa in ay shaqo raadsadaan sidoo kalena qorshayaasha ugu mudan ee ay haayad ahaan xooga saaraan ayuu ku sheegay in ay yihiin barnaamijyada la xidhiidha kor uqaadida xirfadaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Agaasimaha Haayada Havoyoco Cumar Sheekh Cabdilaahi Ciise oo isna bandhigaasi hadal dheer ka jeediyey waxaana uu ka waramay muddadii ay jirtay xarunta tababarada ee haayada Havoyoco, waxyaabaha lagu barto iyo ujeedada bandhigan loo qabtay waxaana uu yidhi:-“Farxad weynbay noo tahay in aad nagala soo qayb-gashaan arintan oo ah waji cusub oo loogu talo-galay in wax lagaga badalo habkii ay u shaqayn jirtay xarunta tababarada ee Havoyoco, islamarkaana aad aragtaan sida wax loo soo saarayo iyo farsamada ka jirta halkan, Bandhigan waxa dulucdiisu tahay in lays baro xarunta iyo dadka markasta ku xidhan si ay u arkaan waxyaabaha ay xaruntu soo saarayso iyo in ay tahay xarun isku filan”.

“xarunta farsamadu muddo badan ayey shaqaynayey oo dhawr iyo toban sanno ah,muddaaasna dad farsamo-yaqaano ah ayey soo saaraysay oo qaybo aad u badan leh sida laydhka, qasabadaha, Alxanka, Wastaadada iyo runtii qaybo kale oo badan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata Agaasimaha Guud ee haayada Havoyoco waxa uu sheegay in xarumo tababar oo noocan oo kale ah ay ku leeyihiin guud ahaanba gobolada somaliland isla-markaana ay u qorshaysan tahay in wax laga badelo hababka ay u shaqeeyaan xarumahaasi waxaana uu yidhi:-“hore waxa ay u ahaan jirtay xaruntani in dadka la soo saaro oo ay suuqa u shaqo tagaan ,xaruntuna waxa ay inta badan ku shaqayn jirtay mucaawino laakiin talo-galka xaruntu waxa uu yahay in arintaasi wax laga badalo, oo ay xarunta wax soo saarto ,faaidana ay soo saarto si ardayda wax ka baranaya ,macalimiinta iyo kharashaadka kale ee xaruntu u baahan tahay badh ahaan loo dabaro”.

Maxamed Xuseen Haaruunoo ka socday Waaxda Farsamada Gacanta Iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada ee haayada Save The Children  oo isna ka hadlay bandhigaasi ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee munaasibadani ay tahay in laysku xidho ardayda xarunta iyo suuqa si wax soo saarkoodu u gaadho bulshada, waxa uu si qoto-dheer uga waramay waxyaabaha sababta u ah shaqo la’aanta ay ka cawdaan badiba dhalinyarada Somaliland oo uu tilmaamay in ay sabab u tahay waxbarashada caadiga ah ee lagu barto Jaamacadaha dalka oo aan ka jawaabaynin baahida dhabta ah ee suuqa taala.

Sidoo kale waxa bandhigaasi ka hadlay Qani Cabdi Cali, Cismaan Ibraahim iyo Eng Habane oo ku hadlayey afka shirkadaha Dheeman, Cawo Dadaal iyo Tayo Production waxa ay dhamaantoodba ku dheeraadeen doorka ay ka qaataan shaqaalaysiinta ardayda ka aflaxda xarunta tababarada ee Havoyoco kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay kaga maarmeen shaqaalihii ay dalka dibbadiisa ka doonan jireen , iyagoo halkaasi kaga dhawaaqay shaqaale cusub oo ay qaadanayaan.

Jaamac Axmed Xuseen oo ku hadlayey afka Jaamacada Hargaysa oo bandhigaasi hadal ka jeediyey ayaa ka waramay kaalinta haayada Havoyoco ay kaga jirto waxsoo-saarka dhinaca xirfadaha ee dalka isagoo sheegay in tan iyo muddadii la aas-aasay xarunta tababarada ee Havoyoco ay u ahaayeen macmiil joogto ah oo ay xaruntani ka caawiso xaga wax soosaarka agabka waxbarashada.

Ciise Dool oo isna ku hadlayey afka Waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan xarunta tababarada ee Haayada Havoyoco oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa xusay in uu dalku si aada ugu baahan yahay horumarinta  xirfadaha gacanta ,xukumadana looga baahan yahay in ay taageerto goobaha lagu barto xirfadaha gacanta isla-markaana ay dhiirigaliso korna u qaado xirfadooda ardayda ka soo baxa goobahaasi.

Sheekh Yuusuf iyo Caadil Maxamed Taani oo ka mid ah macalimiinta xarunta tababarada ee Havoyoco oo bandhigaasi ka hadlay ayaa soo jeediyey talooyin ku qotoma barashada xirfadaha gacanta kuwaasi oo ku socday Waalidiinta, Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo Maamulka haayada Havoyoco.

Cabdicasiis Xuseen oo ka mid ah ardayda wax ka barata xarunta Tababarada ee Havoyoco oo bandhigaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in barashada xifaduhu ay yihiin wax muhiim ,haddii qofku uu xirfad yaqaan yahayna uu noqonayo qof shaqadiisa u madax banaan , Mr Cabdicasiis waxa uu intaasi ku daray una jeediyey bulshada Somaliland in la dhiirigaliyo ardayda baranaysa xirfadaha si ay xirfadooda u sii kordhiyaan dalkana mustaqbalka ugu anfacaan.  

Xasan Maxamed Cali oo ka socday Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay faaidada ay leeyihiin xirfaduhu iyo sida dalalka horumaray ay ugu tanaadeen,isagoo hadalkiisa watana waxa uu xusay in xirfaduhu ay yihiin waxa kaliya ee uu qofku ku anfici karo naftiisa isagoo xirfadlayaasha kula dardaarmay in ay ku samraan oo ay dabaqaan xirfadaha ay bartaan.

Ugu dambayntii waxa bandhiga xarunta Tababarada ee Havoyoco soo xidhay kana hadlay Xuseen Daarood oo ah Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland waxa uu tilmaamay in kobcinta dhaqaalaha iyo waxsoosaarka dal leeyahay ay sal u tahay hadba aqoonta halka ay ka taagan yihiin dadkiisu ,sidaas awgeedna ay siyaasada dalku ku salaysan tahay in aqoonta dadka la dhiso ,gaar ahaana in kor loo qaado xirfadaha farsamada gacanta si wax looga qabto baahida dalku u qabo, Mr Daarood waxa uu madaxda haayada Havoyoco uu ka codsaday in ay ka war hayaan ardayda ay soo saaraan.

Gabagabadii waxa xubno ka mid ah ka soo qayb-galayaashi bandhigaasi ay halkaasi ka iibsadeen qayb ka mid ah wax soosaarkii dhinaca agabka ee halkaasi lagu soo bandhigay.

Cabdicasiis Caydiid Cilmi(Yamani)

Hadhwanaagnews/Office

Hargaysa/Somaliland

cabdicasiisyamani@gmail.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.