Bidhiq Faan Weynaa ( Abdi-Shotaly)
Beriggii hore dadku wax aanay hayn kuma ay faani jirin, Waxa jiri-jirey in
aan nin wax aanu samayn karin lagu halayn jirin, awood-na
aanu u lahayn, dadnimo ahaan iyo raganimo, mid-na aanu ku dhici karin,
iskuna deyi karin, hawaysan karin, baa hadba waxa jirey maalin ayaamaha
ka mid ah, nin la yidhaaho " Bidhiq" baa waxa ka soo baxay ama yeedhay
eryo lala yaabay, oo kuwii lagu yaqaanay ama bartay ka duwan, kuwaas oo
dadkii ka fajiciyey, loo qaadan waayey hubaala ah, in aanu sinaba u
samayn karin, haduu isku dayo'na, ay tahay arin uu isagu gacan-tiisa
isku gawracaayo, Akhristaw, Oday si wacan u yaqaanay, oo ay is xigeen
baa loo sheegay oo la yidhaaho " Aw Kadleeye ma maqashay? waxa af-kiisa
ka soo yeedhay " Bidhiq", dabeed ilayn waa rag dul iyo hoos-ba isu oge,
inta uu qoslay buu yidhi, malaha ninka waxaas yidhi maaha Bidhiq ee qof
kale baad ku khaladeen ee inaga hubsadda, ma cid la joogtay baa afka u
dhuubtay oo tidhi sidaas dheh? Waxan qabaa in uu qof kale yahay. Waxa
loogu jawaabay " Aw Kadleeyaw waa isaggii" Ee maxaad u malaynaysaa?
Isaga oo is ilawsan buu ku celiyey, waxa dhega-hayga ku soo dhacayaa,
haddii ay dhab yihiin " Waa yoomal-qiyaamihii oo soo deg-degay" ee ha
loo diyaar garawo. haddii waxad ii sheeegay-saan ay run yihiin.
Illaah ha u naxriisto'e " Laf-Cambe" Baa tix uu lahaa waxa ka mid
ahaa eryo aad u qiimo badan oo ahaa " Waa duni ninkii aad ahaa, aakhiraw
kacye, waa duni iblays iyo nin xumi, ay adima-yaane" Waxan uga socdaa
oo igu kelifay, in aan soo qaato murtidda sare ku qoran. waxa ka soo
yeedhay qoyska " Raggii ma adigaa ka hadhay", oo beryahan dambe leh
sifihii heestii " Wuxu soo abraara-ba, Jacaylkii oodda soo jebi,
alam-tarana soo dhaaf" Waxay kolba dad masaakiin ah ku qabsadaan Baloodh
iyo beer-ba, maantay yidheen waxanu xidhaynaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid "
Waa Faysal Cali Waraabe'" Taasi waxy inoo sheegaysaa, in uu bilaabay
dagaalkii sokeeye, ee inta badan ummadu ka gaws qabsatay, kaas oo ay
raadina-yeen Labadda askari ee bilaa caqliga ahi. Waxa la yidhi " Geelaw
soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye" sheekadu waa tii
ahayd " Baroorta Orgaca ka weyn" Waana iska cadaan, qoys ma haysto
Faysal ee askariga baa ka dambeeya arintan. Waxan leeyahay " Ninkii
ba'naayaw lagu fasax" ee waxad hayso soo daa, wax inoo kala qarsooni ma
jiraane. Beri baa nin meel iska maraaya, baa wuxu ku soo baxay reer jees
ah oo cidla yaala, wuxu la kulmay ninkii qoyska lahaa, markii la is
warystay ka bacdi, baa ninki jidka maraayey, uu ku yidhi kii guriga
lahaa magacaa? Wuxu ugu jawaabay waxa la i yidhaahaa " Looge", Nin
martidda ahaa baa inta uu ilko cadeeyey yidhi " Waxad loogto-ba waa
laguu mina fadhiyaa", ee soo qal aan kula eegno waxad loogayso'e. Ujeedo
iyo haatan, waxan leeyahay Askariga maskax feredka qaba, Ina Cali
Waraabe wuu imanyaa ee yaan lagaa waayin Afar kub oo laba xaad leedahay,
oo micna-heedu yahay, marka aad xidho baynu isu leenahay, wax badan baa
lagaa warwa-reegaye. waan ku arkaa oo wad-kaaggii baad gacanta isugu
haysaaye.
Waxan ku soo xadeeyey maqaalkan, oo hadal igaga dhan yahay. Waxan
halkan hambaliyo iyo bogaadin uga dirayaa, odayaasha, salaadiinta,
boqoradda, siyaasiyiinta Daa'uud garxajis ( Ciida-gale), ee shalay
shirka ku qabsday Hargeysa, kuwaas oo aan leeyahay waad ku mahadsan
tihiin, jawaabta waafiga ah ee aad u dirteen labadda askari ee riyadda
beenta ah isu sheega, kuwaas oo nacasnimo awgeed uu sanku duuf ka
dareeraayo, ku riyooday Ina Cali Warbe baad xidhi kartaan. Waxa kale oo
aan halkan uga sheegayaa dhamaan Shicibka mataanaha meel ay joogaan-ba (
Wa Arab iyo Garxajise) in ay is garab taagaan odayaasha hadlay, haddii
ay hadal noqto ama gacan la qaado intaba, oo si wacan u taabsii-saan
askarta xumaanta wakhtiga badan baafinaayey. Waa in aad san-koodda
saliidii la odhan jirey macsarta ka tuuji-saan, kaadsan waaye ee waan in
khasab iyo sandule af-goos, aydin olol dhamac ka soo baxay dabadda u
saartaan. Dhaaxaa la lahaa kaliilaw kaadso, oo uu diiday askarigan
waalaniye, Waa in ganafka xun ee uu sare u taagaayo cidhib-tiisa lagu
xidhaa. Hora aloo ydihi " Duqsi caano ku dabala bartay, fuud kulul buu
ku gub-taaye" Waa in uu noqdaa weyshii la yidhi " Gu'baad dhalatee, arag
jiilaal-kuna sidduu yahay, birin-birqo day weydaye.
* N.B Duqsi Caano Ku Dabaal Bartay, Fuud KUlul Buu KU gubtaa!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...