Muuse Biixi Oo Guddida Dhexdhexaadinays Jabhada Sanaag U Dhiibay Qorshe Ka Dhan Ah Kornayl Caare.

0
Friday December 20, 2019 - 17:52:37 in News by
  • Visits: 6254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Guddida Dhexdhexaadinays Jabhada Sanaag U Dhiibay Qorshe Ka Dhan Ah Kornayl Caare.

    Muuse Biixi Oo Guddida Dhexdhexaadinays Jabhada Sanaag U Dhiibay Qorshe Ka Dhan Ah Kornayl Caare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Guddida Dhexdhexaadinays Jabhada Sanaag U Dhiibay Qorshe Ka Dhan Ah Kornayl Caare.


Hargeysa(HWN):-Wetigii dhex dhexaadinayey kornayl Caare oo hogaamiya jabhada ka jirta gobolka Sanaag iyo xukuumada uu hogaamiye Muuse Biixi ayaa haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Natiijada sawirka muuse biixi iyo kornayl caare


Guddidan dhex dhexaadinaysa hogaamiye Muuse Biixi iyo kornayl Caare oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaaa Hargeysa ayaa u kicitimay gobolka Sanaag si ay hogaamiyaha jabhada Dulmi Diid u gaadhsiiyeen fariimo ay ka sidaan Muuse Biixi.


Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in sababta uu uga gaws adaygayo cafiska Kornayl Caare ay la xidhiidho cadaadis uu kala kulmayo beesha Habarjeclo oo uu ku doodayo inay dhibaatooyin ka tirsanayaan hogaamiyaha Jabhada sidaas darteed aanu awood u lahayn uu saamaxo, balse guddida dhex dhexaadinta ayuu haatan faray qorshe uu isku qanciyey inuu u mari karo cafiska kornayl Caare.


Muuse Biixi ayaa guddia dhex dhexaadinta oo haatan gaadhay gobolka Sanaag faray inay kornayl Caare ku soo qanciyaan inuu dalka ka baxo isla markaana u socdaalo wadanka Turkiga, ka dibna uu soo waydiista cafis uu dalka ku soo galo taas oo uu u fidin doono, waxaanu hogaamiye Muuse Biixi guddida ku wargeliyey inuu diyaar u yahay bixinta kharashka ku baxaya fulinta qorshahaasi.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hogaamiye Muuse Biixi uu balanqaaday qadar lacag ah oo uu farta ka saari doono kornayl Caare marka uu dalka ku soo galo cafiska uu soo waydiisto, taas oo aanu cadayn inta ay tahay.


Guddida dhex dhexaadinta hogaamiye Muuse Biixi iyo kornayl Caare oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa la dhawrayaa talaabooyinka ay qaadaan iyo natiijada ka soo baxda kulamada ay la yeelan doonaan kornayl Caare.


Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa guddida ka sugaya inay fuliyaan isla markaana qodobadii ay isla garteen ee uu cafiska ugu fidiyey ciidamada jabhada Kornayl Caare kuwaas oo uu dhawaan sheegay in ciidamada qaranka lagu dari doono.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...