Dimuqraadiyadii Somaliland Jihadee ayey u socotaa? Mar hadii 3-diigole maandheytkoodii dhamaaday Doorashooyinkiina aanay qabsoomeyn sanadkan.

0
Wednesday March 27, 2019 - 08:56:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dimuqraadiyadii Somaliland Jihadee ayey u socotaa? Mar hadii 3-diigole maandheytkoodii dhamaaday Doorashooyinkiina aanay qabsoomeyn sanadkan.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL waysaqiirtay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii goleee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan.Marxaladan aynu ku jirnaawaa marxaladaad xasaasi u ah taa soo uu maraayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay.Boowe ! Hadii goleyaashaxeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go'aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ?Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ?
Golihii Guurtidu iyanawaxay noqdeen dhaxaltooyo, markaa bal kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaasidey isu qabanayaan ?? Cajiib !!


Talow goorma ayaa la dejinayaa reerkan daalay ee raranka saaranee raadkiisii dib u sii raacaya ee Somalilaan? Jihadee ay Somaalilaan maanta u socotaa ? Jawaabtu waxay noqonaysaaJUG -JUG oo meeshaada joog. Bal ka warama - Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005si ay 5 sanadood oo keliya kuraastaugu fadhiyaanwaxaana ay mudo dhaafeen8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaanwaxaa la doortay 1997si ay kuraastaugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iska noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman.

Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomayin ka badansaddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay sidimuqraadiudhawmarka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya.doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideensumcad iyomaamuus uu caalamku kumajeertay inaySomalilaan tahaydal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinkaloo ilaaliyo, waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo.

Saadaasha tabaniwaxay u muuqataa maanta in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oodhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan higsanayso.Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen aytahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheeraycurinwaayeengolaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oogeesinimo iyo go'aan adag ka qaataa si doorashadu ugu qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019.

Guntii iyo Gebagebo - Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marnaDoorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya muddada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada looasteeyey in Doorashaduqabsoonto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa inxukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaanoqabyo ahkaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somalilaan.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...