Shimbira-Yahaw Heesa ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday March 27, 2019 - 08:29:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shimbira-Yahaw Heesa ( Abdi-Shotaly).

    Habar dhali wayday alleelo ku waaltay baa la yidhiye, askariggii meesha ka buuf-taamaayey, intuu siddii mid wax wadda, is qaad-qaaday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habar dhali wayday alleelo ku waaltay baa la yidhiye, askariggii meesha ka buuf-taamaayey, intuu siddii mid wax wadda, is qaad-qaaday,

oo uu hor yimi, kuwuu ugu balweyn jirey heestii Cali Sugule dun carbeed, uu u tiriyey Kii sheegan jirey Ra'isal wasaaraha ee la odhan jirey Ina Catoosh ( waa Cabdi rasaaq Xaaji Xuseen), markii ay baarlamaan ku sheeggii wakhti-gaas ay is ka hor yimaadeen, dabeed wuxu ku yidhi " Shimbira-yaahw heesa, kaalaya hor-taydda, halkan soo fadhiista, hees wanaagsan ku qaadda", siddii oo kale, baa biidhi-qaata-yaasha ka soo jeedda jeegaanta intoodda badani, uu isla soo hor taagay wixiisii xilka lahaa, beentii iyo huu-haaddii ummadda lagu seexin jirey, isago oo ku sheegay khudbaddii maalaa-yacniga ahayd, ee sanad-kiiba mar khiyaaliga dadka tooddii cuslaysay ee bakhti-yaaya lagu maaweelin jirey, inta waxoogu sidda haadda loola kala yaacay.

(a) Bal yaabka jira qof khajilaaya maahee, wuxu meel isla soo taagay, 1800 oo qandaraas baa gudidda qandaraas-yadu xaq iyo dimuqraa-diyad ku bixiyeen, oo ay ugu sacab garaaceen shimbirihii hadhuudhka loo daadiyaa, aan is waydiino hadaba arintaa laf-teeda'e, sidee bay waxa uga jiraan. Markii la eegayee qalin iyo waraaq loo qaatay, siday loo qaybiyey, 3 mooyaane intii kale ( Waa 1797 qandraas) waxa la siiyey jeegaanta.

(b) 1521, waxa lagu dhaqaaleeyey beesha uu ka soo jeedo, oo weliba ay qaar ahaayeen kuwo dareewaliin ah, oo lagu maal geliyey hantiddii ummadda, soo celiyana lama odhan.

(c) Sigaar ah 63 ka mid ah 1521ka sare ku yaal oo qandaraas, waxa la siiyey Ninka leh Cable TV-ga, ( Ina Aw saciid), oo ah kiiummadda loo xidh-xidhay, ilaa imikana qaar badani ugu jiraan jeelka.

(d) Jeegaanta Bari waxa iyana la siiyey, oo u soo hadhay 276 qandaraas.

(e) 57 ka mid ah 276 jeegaanta Bari, waxa muquun-saday, Moorgan ( Waa wiilka uu siilaanyo u madax yahaye iyo Xaaji Musuq ( Waa ka ay ugu yeedhaan Maxamuud Xaashiga, oo ah Tuuga Afrika ugu weyn, uguna beenaa-laysan.

Waxa kale oo uu ka hadlay shaqaale la kordhiyey, waase ayo? Baa la is waydiinayaa .

(1) 92% ka mid ahi waa isla beeshiisa, oo aan biyo is marin, si cadna loo shaqaaay-siiyey, iyaka oo aan u qalmin, una haysan khibrad iyo aqoon, waa kuwo lagu dhaqaalay-naayo, qaar-kood baan meeshaba ka shaqayn, ee mushahaaro uun loogu qorey.

(2) 5% waa jeegaan Bari, markii hore-ba maamulkii ka horeeyey sii qorey, oo uu meesha ugu yimi, intii uu eryey mooyaane. kuwaas oo lagu sabo Habar jeclo, oo hoos yimaadda " Geenyo Shaaximan ( Ina kaahinka) la walaaqdda xaaraanta, taas oo uu ku yidhaaho intaas oo qof baa kuugu jira maamulka iyo adiga oo aan wasiirkii gudaha kaa dhigaye, maxaad iga rabtaa ee kale, juuq-na aan ka odhan karin, ee siddii ilmo uu dhalay farta wax ugu sheego.

Bal askarigu in uu wajahan yahay, wixii-suna ay badheedh yidhiin, kama uu hadlin shaqaalaha beelaha kale ee la eryey, oo markii uu meesha boobay, beel ahaan u eryey.

(1) Garaxajis 70%, marka laga reebo inta uu ka saaray golaha dhexe iyo fulin ku sheegta Ururka Qudhmiye.

(2) 47% Arab ah, mrka laga tago intii hore uga carartay, wakhti-yaddii doorasho ku sheegtii la dhacay.

(3) Samaroon 65% ka shaqaynaayey maamuladda wasaarado ku sheegta,

(4) Harti 7%kii ku jirey iyana waa laga eryey maamulka, oo waxay raaceen Xagle Toosiye.

(5) Gabooye 2 baa kaga jirey Maamulku siddii u dhan yahay, iyana waa la eryey, oo cisha dhaweyd baa Wewriye Weji meel loo macmalay.

Dhanka Dhaqaalaha uu sheegay, oo uu yidhi waa la kordhiyey, iyana hoos ka akhri , waa tan dhab-tiiye:-

(a) isla markii uu xukunka boobay askarigu, ilayn waxa uu ahaa dhaqaale doone, wuxu kiciyey 56% cashuurtii hore ee uu maamulkii Siilaanyo Ku shaqayn jirey.

.(b) Waxa si hor leh oo aan hortii jirin, cashuur loogu soo rogay, baabuurtii yar-yarayd ee qaadaa-ma-dhergaanku uu ka heli jirey quud maalmeedka yar.

(c) Dawaar-layaashii suuqa bacad-laha fadhiyey, iyana waxa la yidhi, waxad heshaan waa in aad ka bixisaan 10%

(d) Macaashal-macaashii iyo ardiyaddii guryaha laga qaadi jirey iyana 25% baa lagu sii kordhiyey.

(e) Booyadihii biyaha dadka u dhamain jirey, daanta beeshiisa mooye, daamaha kale waxa lagu dalacay cashuur ah 7% marka lagu daro intii ay hore u bixin jireen, waxy isku noqnaysaa 14% waxa ay helaan, iyaka oo loo xisaabiyo, inta jeer ee ay maalintii biyo qaadaan.

(f) Liisanaddii baabuurta oo qof shicibi haystay, oo beel aan jeegaanta ahayni, waa laga fara-maroojiyey, oo askarigaa mid ay isku xaafad yihiin siiyey, si looggu dhaqaaleeyo.

(g) Muceeshaddii caadiga ahayd, iyadu way xad dhaafatay, oo lamaba goyn karo, waayo waxa loogu talo gelay, in lagu xakeemyo, shay-shay baa loo saaray cashuur qayrul-caadi ah, magacya-doodda lama soo koobi karo ( Ha kala saarin) ee waa guud ahaan mid la dhaafay ma jiro.

Waxan ku soo dabray qoraalkan, maah-maah-ddii ahayad " Indho adkaa ma bacaadaaye" Iyadda oo waxaas oo dhib ahi ay ummadda hor yaalaan, oo nolol meesha taalaa aanay jirin haba yaraatee, marka laga reebo kuwa maalaaya ee kala uuska kuusan mooyaane, sidda ka dawladda hoose ee Hargaysa, oo intaan loo dhiiban meesha saxar ka dhuubnaan jirey, Cabdiraxmaan ugu horeeyo, imikana lagu haysto xad-tooyo xoole dad weyne, laakiin uu askarigu yidhi, waa inaadeerkay, oo lama xidhi karo, haba kala saarine, waxa meesha jooga, waxay yihiin sheekaddii ahayd "Xaaran nijaas lagu dalacay saw ku durug maaha". baa ilayn qof damiir leh maahee, askarigu shimbirihii yar-yaradda ahaa, ee uu ku sheego xildhi-baanadda, uu ku yidhi i amaana, iyadda oo waxaas oo balaayo ah iyo in ale oo aan la soo koobi karini ay derbi walba yaalaan, oo Hargaysa guda-heedda, habeen walba dhawr qof gaajo ugu bakhti-yaan iyo haraad. meesha sidaas ah buu is amaanid iyo faankii lagu yaqaanay askari dhergay, isla weyniddii hoosta ka uraysay ee madhnayd, uu yidhi khudabaddii sanad laha ahayd baan akhriyayaa, lase yaabi maayo, oo ummaddan baa iyadu aan xaqeedda donanayn, oo leh sifihii murtiddii ahayd " Adhi daasad kama libaxo". intee baa been la iidinku maaweelin doonaa? Oo eesha kii dhigay idin dhabaqsan doonaa? weligiin ma waxa aydin ku jiri doontaan sidaas? jawbaatu idinka bay idiin taalaa oo la idinka sugayaaye. Wixii oo meesha la yimi ee is faaninta ahaa wax ma ka haysaan? Mise waa Maya? ilayn ka loo akhriyaayey Waa adiga'e.

N.B Adhi Daasad Kama Il-baxo.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...