Dawlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragta Go'aanka Madaxweynaha Maraykanka Ee Buuraha Golan Heights

0
Tuesday March 26, 2019 - 20:56:06 in News by
  • Visits: 2376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragta Go'aanka Madaxweynaha Maraykanka Ee Buuraha Golan Heights

    Dawlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragta Go'aanka Madaxweynaha Maraykanka Ee Buuraha Golan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragta Go'aanka Madaxweynaha Maraykanka Ee Buuraha Golan


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay buuraha Golan ee madaxweynaha maraykanku u aqoonsaday dhul ay leedahay dawlada Isra’il.

War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay mawqifka ay dawlada federaalka ah ee soomaaliya ka taagan tahay buuraha Golan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada soomaaliya ayaa u dhignaa sidan:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.



Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.


Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.




Loading...
Loading...