Diyaaradii Duulimaadka Dheer Ku Jirtay. W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan

0
Friday December 13, 2019 - 08:01:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradii Duulimaadka Dheer Ku Jirtay. W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan

    Waa diyaarad duulimaad ku jirtay muddo dheer oo ilaa hada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa diyaarad duulimaad ku jirtay muddo dheer oo ilaa hada

  aan meelna caga dhigan oo ka kacday dhulka loo yaqaano Somaliland ,isla markaasna ek hoose ku duulaysa, waxaa ek u dad badan oo kala duwan qaar badani waxay ka welwelsanyihiin meesha ay aakhirka fadhiisan doonto.



Marka aad waydiiso rakaabka ek u Diyaarada Xagee ayay ku Ku sooctaa? Qaarba wax ayay kuugu jawaabayaan kuumana sheegi karan jawaab aad ku qanacdo ,qaar ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa ku andcoonaya in shidaalkii ka sii dhamanayo diyaarada. Qaarna waxay ku tiraabayaan in wax waliba uu u dhanyahay dulimaadkeedana ay si caadiya usii wadan karto, kuna dagi doonto meesha ay ku sosocto oo aanay si cad u ogayn ilaa hada. 

 


Xawaaraha socodka ee diyaaradu maaha mid jaan go,an ee kolba Geer ayuu duuliyuhu ubadalayaa Rakaabkuna waxay ueegyihiin qaar welwel iyo walaac ka muujinayaa qaabka uu duuliyuhan cusubi bahasha u wado . Duuliyaha diyaarada ee wakhtigan waa kii shanaad ee majara uqabta intay hawada ku jirtay , hase ahaatee waxaa dhagahiisa ku soo dhacaya Buuq iyo sawaxan badan oo ka socda rakaabka Diyaarada ek u , qaarkood daaqadaha iyo Darbiyada diyaarada ayay Cidh-baha la dhacayaan ,Qaarna way iska dhex fadhiyaan laakiin hoosta ayay ka gunuunucayaan iyagoo is diidsiinaya inay dareemaan Socodka dheer Ee aan jaan gonayn waxayna ka werer qabaan Amniga diyaarada Qaar waxay ku hanjabayaan in hadii ay Xaalada diyaarada isbadal ka waayaan ay daaqadaha iska tuuri doonaan ama ay isticmaali doonaanaa Baarashuut

.

 

 Hase ahaatee Rakaab ka diyaarada badhkood kama qasna oo beelka ayaa isaga xidhan waxayna ku odhanayaan halka ay doonta ha cago-dhigato ee waan iska saarnaanaynaa.! Duuliyaha iyo Masuuliyiinta diyaarada ee wakhtigan marnaba kumay guulaysan in ay dajiyaan Rakaabka oo intooda badani cadhaysanyihiin , inkastoo marar badan ay bixiyeen digniino culus oo isadaba ek ah, hadana maaha mid yaraysa Hiifka ka soo yeedhaya rakaabka .


 

 wax iyana aan meesha ka madhnayn in wax garadka iyo wayeelka ka midka ah rakaabka diyaarada ay dhex galaan in badana ay isku dayaan dajinta Buuqa iyo sawxanka ka dhex socda gudaha Diyaaradan Duulimaadka dheer ku jirtay mudada. Nasiib wanaag marar badan way ku guulaysataan waayeelku inay ay yareeyaan Buuqa iyo ismaan-dhaafka rakaabka, hadana maaha mid joogsanaya. Waxaa Diyaarada Gudaheeda ka muuqda Nalal kala duwan ama Guluubo mid cas iyo mid cagaaran , kuwan oo kala sheegaya Khatarta iyo badqabka Diyaaradan Mudada Duulimaadka ku jiratay. Waxa dhacda in Duuliyaha Diyaarada ee wakhtigan  ay marar badan gacntu kaga dhacdo Nalka cas oo ah mid khatar galin kara Rakaabka Kas iyo  kama kay doonto ha ahaatee.


 

 Islamarkaana ay mar qudha rakaabku khatar badan iyo inay Diyaaradu Shil gasho dareemaan islmarkaana Aad maqlayso Cabashada , Hadalka iyo hiifka ku socda Duuliyaha, Halkii ay ahayd in uu duuliyuhu si taxadirleh utaabto Botonka Cagaaran ayuu mudo ku celceliyaa taabashada nalka Casaanka bixinaya , Ilaa iyo Ay raadaaradu sheegaan inay halisi jirto.

 

 

Lama oga in duuliyuhu ay ka dhabtay Habkan iyo inuu ukasayo Tabashada Nalkan cas ee walaaca laga muujinayo. Intaa waxaa dheer in Rakaabku kuu sheegayaan in ay ek u isku shareertay Cuntada iyo cabitaanka laga helyo Gudaha Duyaarada Marba marka ka dambaysana ay sii kacayso waxa ay quudanayaan. Marka la waydiiyo Duuliyaha iyo masuuliyiinta ka agdhaw ek u jira qaybta diyaarada laga wado  waxay kuugu jawaabayaan hadalka iska dhaafa, oo beelka iska xidha hadii kale iska tuura Diyaarada hadaa doontaan .



 intaa waxaa dheer Waxaa marwalba rakaabka lagu sabaa ama loo sheegaa in diyaaradu si nabada u caga dhigan doonto inshl si ayna udareemin safarka dheer ee ay soo qateen, iyo Socodka ay ku jiraan aan Hadafkiisa la ogayn. Qaar ka mid su’aalaha saxaafadu ay waydiiso duuliyaha ee qadka telephoneka . – Hellow Duuliye Diyaaradu xagay kusoctaa? Jwb.Weger – adeero Bahasha saarnaada sawtii awlaba Socotaye . – Hellow duuliye oo waa maxay nalka cas ee baxayaa ? Jwb- oh sorry Gacanta ayaa nagaga dhacday ee raali ahaada.! – Hellow Duuliye Wali nelkii casaa waa baxayaa ?. Jwb .Oh sorry waxaa shiday Kuwa isleh   ma kaxayn karo basha waan bakhtiinayaa. Don’t Worry . Hellow Oo miyaad adigu wadini Diyaarada ?? –hadaanu wadno sawkuwan mishiinkii diyaarada  farfaraynaya.!!



W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan   
[email protected]    063-4475540
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...