Mucaarid Baraad Ah Qore Mukhtar Cilmi
Waxa dhegaheena ka batay hadalo dhiillo, xaalad abuur iyo turxaanba leh oo ay si joogto ah ugu dhawaaqayaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo kooxo kale oo ay gacan-saar leeyihiin, kuwaasoo aad haatan moodo inay u soo tafa-xayteen duminta dalka iyo tafa-raaruqa bulshada. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: "Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado. "Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay!..
Waa dhibaato haysata Faysal iyo Cirro oo runti u arko in ay siyaasadii ku saaqideyn oo had iyo jeer ay rabaan in ay ka macaashaan shacabkan iyo khilaaf walba ay abuuraan ,, cirro siyaasad iyo arin toona mahayo iyo ficil toona, halku faysal qaylo la dul taagan yahay tv yada.waxayna lasii waashayn markii ay dawladu gonadii ka jartay bil walba ka heli jirin dawlada ay had iyo jeer cayayaan.dadkii taageersana labadan siyaasi badankood ka niyad jabe oo albaabadoodii ka xidhay mucaaridkan baraadka ah ee kolba mashruuc iyo waali la hor imanaya bulshadda dhwxdeeda..fashiloo!!..
Qore mukhtar cilmi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!