Taariikhda Halgmaa Abwaan Cali Xuseen Xirsi(Makaadsade)

0
Friday December 13, 2019 - 07:53:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 7615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Halgmaa Abwaan Cali Xuseen Xirsi(Makaadsade)

    Taariikhda cali Xuseen xirsi(cali makaadsade) waa taariikh dahab ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda cali Xuseen xirsi(cali makaadsade) waa taariikh dahab ah,
waa taariikh ku qotonta waddaniyad iyo halgan dheer oo soomaalinimo.


 Ayaan darraduse waxa ay tahay Cali Xuseen taariikhdiisii way luntay, taariikhdiisa suugaaneed waxa ay lamid ahayd oo kaba heersaraysay marar badan suugaantii abwaanadii sida aadka ah ugu suntanaa halganka iyo wadaniyada, sida Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Barkhad Cas amaba tii Xaaji Aadan Af-qallooc, laakiin nasiib darro ta Cali Xuseen waa la hagraday oo la dayacay oo wax ka soo qaad loo yeelan waayey.



Cali Xuseen Xirsi waxa uu 1913kii ku dhashay miyiga magaalada Burco, yaraantisiii wuxu ahaa reer baadiye kaalintiisa ka qaata hawsha reerka miyiga, sanadkii 1940kii markii halgankii xorriyaddu ka bilowday Jigjiga, Muqdisho, Hargeysa, Beledweyne, Gaalkacyo iyo Wardheer iyo dhamaan geyiga soomalida iyo wadamadii kale ee la gumaysan jiray, cali wuxu u socdaalay magaalada Muqdisho waxaanu ka mid noqday oo ku biiray ururkii xornimo doonka soomaliyeed ee Leegada ama loo yiqiin S.Y.L.


Waagaa Cali tegay Muqdisho dalku ma lahayn idaacado iyo joornaallo midna, mana jirin war tebiyayaal, halgankuna wuxu u dhutinayey makarafoon cod dheer oo farriintiisa gudbiya, Cali Xuseen wuxu noqday idaacaddii ama makarafoonkii halgankii Leegada.


 Marka aad dhugato gabayada iyo suugaanta Cali Xuseen waxa markiiba kuu muuqanaya in ay ahayd mid ka soo go’day qalbi waddinayadi ka buuxdo oo la ilmaynaya Soomaalinimo Cali Xuseen waa kii lahaa:

·       Haddaan gabayga uurkoo buka iyo arami kaa keenin

·       Asaan olol xanuun iyo jacayl kugu igbaaraynin

·       Afkuun baad ka leedee tixuba Arar ma yeeshaane.


Alle ha u naxariistee cali taariikhdiisu waa bad markaynu ka eegno dhinaca suugaantiisa halganka ku xardhan ee sida farshaxanimadu ku dhantahay uu u falkiyey ee dhibcaha dhiiga ah ku suntan yihiin.

Gabayadiisa dhaxal gal ah ee soomali wada gaadhay waxaa kamid ah gabayga fiinta.

 

FIIN(GABAY):

 

Cali xuseen xirsi alle ha unaxariistee godkana ha u nuuriyee waxa laga dhaxlay suugaan dhaxal gal ah oo hagida iyo wax usheega dadka soomaliyeed ku saabsan Gabayada xusuusta gaarka ah leh ee Cali Xuseen tiriyey waxa ka mid ah gabayga fiin oo sida ka muuqata uu tiriyey sanadkii 1954kii markii la dhaxal wareejiyey dhulka Soomaali Galbeed ama ogaadeeniya.


Gabayaagu wuxu gabaygiisan ku waraysanayaa shimbirta fiinta loo yaqaan ama guuguulaha hadba sida ay soomalidu u taqaano, cali wuxu arkay shimbirkaas  oo aad u ooyaysa, kana irdhays oo ka cadhaysan sida loo wareejiyey geyigii soomaliyeed ee ogaadeeniya ama soomali galbeed oo markaa ka hor ahaa geyigi soomaliyeed,  Gabayaagu gabaygiisa wuxu ku caddaynayaa in shimbirtani ka ooyeyso dalkeedan la dhaxal wareejiyey halka qaar ka mid ah dadkiisii ay weli ku mashquulsan yihiin qabyaalad iyo qolo qolo iyo sidoo kale umada soomaliyeed midiba mid ugu maqan tahay oo ay iyagu isku muuqdaan waxaanu yiri:

·       Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye

·       Haddii aan laguu imanin waad, aammusi lahayde

·       Maxaad aragtay waan kula qabaa, uurku taallada’e?

·       Waxay tidhi "Ilaahay haddaad, aad u garanayso

·       Oo aad Islaam tahay iddaa, waan irdhaysnahaye.”

·       Waxaan idhi "Qofkii i abhiyaa, wuu ammaan heliye

·       Ashahaadada iyo waan aqaan, aayaddii Nebiye

·       Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga

·       In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inan ogaadaaye.”


Halgamaagu si uu dadka Soomaaliyeed u tusiyo urugada iyo xanuunka gumeysiga ayuu Fiintan ula hadlayaa, wuxu ku bilaabayaa maxaad la oynaysaa ee ku helay, iyaduna way abhinaysaa oo waxa ay leedahay haddii aad ilaahay taqaanno I daa waxa I haya ma ogide.


gabayaagu sidaa kaga tegi maayee wuxu weydiinayaa waxa haya ee ay la oynayso, markaas ayay ciilkii iyo umalkii hayey oodda ka qaadaysaa iyada oo leh:
 

·       Waxay tidhi "Inkaar buu ku go’ay, odagi Soomaale

·       Awlaaddi uu dhalayna waa, sida adoogoode

·       Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya

·       Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbe ku lahayne

·       Ayax kuma dhaleen kaymihii, ubaxa weynaaye

·       Anna aydii aan joogi jirey, kama abraareene.”

Shimbirtu waxa ay cabbiraysaa uurku taallo weyn oo haysa oo ah in Soomaali goblantay, Waxay leedahay dhibaatada dhacday gumeysiga dalka qabsaday, qaxa iyo qaxoontiga dad iyo duunyo ku dhacay iyo eedaadkaba waxa aabbe u ah dadkii Soomaaliyeed oo aan midaysnayn. Hadda la soco taariikhda shimbirtu ka hadlaysaa waa 1954kii, Markaas ayaa Cali Xuseen u garaabayaa oo odhanayaa waa runtaa:


·       Waxaan idhi "Irdii nalaga qaad, aad ahaan jiraye

·       Waataa la kala iibsadaan, nala ogeysiine

·       Ooddaaba laga goynayaa, Idhankii Laasoode

·       Meeshaad ilmaa dhigan lahayd, uun kalaa degaye.

Shimbirtii Fiintu oohinteedii ayay sii wadataa waxay leedahay maaha dadka Soomaaliyeed in aanay midaysnayn oo keli ah laakiin sida ay isugu daran yihiin ee ay eebada ama mindida isugu sitaan baa oohin kale ah:

·       Waxay tidhi "Dhulyahow eheledaa, ma laha iimaane

·       Ilaaleeyey oo dunida waa, ugu il liitaane

·       Iyagaa ableyda isu sida iyo eebo xoog badane

·       Intey Ayro kala qaadayaan, aarsan mahayaane.”

·       Waxay tidhi "Ilaahay hadduu, duul arrin u diido

·       Oo uu Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane

·       Qalbigii engegey waanaduu, orod ku dhaafaaye

·       Goormaa inkaartani heshey ee, lagu alhuumeeyey?

·       Waxaan idhi "Arbiyo laguma oga, geesi aynaba’e

·       Iniinaha kelyaha iyo wadnaha, iini kaga taalle

·       Aanada tolkood bawga roon, uumiyaa kale’e

·       Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg na loo gooye.”

 

 

 

 

Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal ( Darwiish)        

[email protected]     Ama              0634240189

 

Loading...
Loading...