Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Dib U Dhaca Muuse Biixi Sababay Ee Doorashooyinka Somaliland

0
Thursday December 12, 2019 - 21:23:15 in News by
  • Visits: 2692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Dib U Dhaca Muuse Biixi Sababay Ee Doorashooyinka Somaliland

    Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Dib U Dhaca Muuse Biixi Sababay Ee Doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Dib U Dhaca Muuse Biixi Sababay Ee Doorashooyinka Somaliland


Hargeysa(HWN):-Wargeyska The East African oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  warbixin ka qoray dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, waxaanay sheegeen in doorashada Baarlamaanka Somaliland muddo dhaaf tahay muddo 14 sannadood ah.

Natiijada sawirka doorashooyinka somaliland


Wargeyska The East African wuxuu sheegay in doorashada Baarlamaanka dib loo dhigay ilaa 2022ka, iyadoo doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamaanku Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2005tii. Waxa kaloo wargeysku tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u qabato doorashada Madaxtooyada,waxaanu iftiimiyey in khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ee doorashooyinku uu sababay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.


Wargeysku wuxuu xusay in xukuumadda Somaliland ay sheegtay in mucaaridku muran geliyeen xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland, halka xisbiga Waddani uu xukuumadda ku eedeeyey inay xubin Komishanka ah u soo magacaabeen nin taageera xisbul-xaakimka.


Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa warsidaha The East African u sheegay in Madaxweyneyaasha Somaliland la soo doorto oo ay leedahay laamihii dawladnimo ee kala duwanaa, halka Madaxtooyada Soomaliya aanay xukumin dhul gaadhaya 10km oo ka baxsan Magaalada Muqdisho.


Waxa kaloo danjire Baashe Cawil sheegay in caalamku ku daalay isla markaana guul ka gaadhi waayey nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Loading...
Loading...