Wasiirka Axmed Toorno Wasaarada Waxbarashada Maka Xorayn Doonaa Agaasimaha Xuurtada Ku Haysta Ee Axmed Abokor

0
Thursday December 12, 2019 - 20:18:32 in News by
  • Visits: 2851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Axmed Toorno Wasaarada Waxbarashada Maka Xorayn Doonaa Agaasimaha Xuurtada Ku Haysta Ee Axmed Abokor

    Wasiirka Axmed Toorno Wasaarada Waxbarashada Maka Xorayn Doonaa Agaasimaha Xuurtada Ku Haysta Ee Axmed Abokor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Axmed Toorno Wasaarada Waxbarashada Maka Xorayn Doonaa Agaasimaha Xuurtada Ku Haysta Ee Axmed Abokor


Hargeysa (HWN) - Wasiirka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay xilka Wasaarada Waxbarashada Md. Axmed Maxamed Toorno ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradaas.


 

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay ahayd goob ay hadheeyeen tuhuno musuqmaasuq, kadib markii awoodii iyo taladii wasaaradu gacanta u gashay dhalinyaro ujeedkooda ugu weyni yahay boob iyo hanti-urursi, kuwaas oo ay madaxweynaha isku qoys yihiin.




 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda Axmed Abokor ayaa tan iyo 2018kii ahaa Wasiirka dadban ee Wasaarada Waxbarashadda Somaliland, kadib markii Wasaarada loo soo magacaabay Wasiir da' ah oo aan wax badan ka ogayn hanaanka dalka iyo hawlaha Wasaarada ka dhex socda.


 

Axmed Abokor waxa uu Agaasime-waaxeedyada Wasaarada ku sameeyay isku-shaandhayn isaga oo xilalka ugu muhiimsan ee Wasaarada u dhiibay dhalinyaro uu isagu keensaday, taas bedalkeedana meesha ka saaray macalimiintii waaweynayd iyo waayo-aragii Wasaarada, isla mar ahaantaana iska fogeeyay qof kasta oo uu u arkayay in uu danihiisa hanti-urursi ka hor iman karo.


 

Axmed Abokor oo isku muujiya qof wanaagsan iyo masuul daacad ah ayaa waxa hore musuqmaasuq awgii looga soo eryay Hayada Save The Children oo uu madax ka ahaa mashruuceeda Waxbarashadda, waxaanay xoguhu sheegayaan in uu noqonayo masuulkii ugu musuqa badnaa ee soo mara Wasaarada Waxbarashada tan iyo aasaaskii Somaliland ee 1991kii.


 

Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa Wasaarada ka waday baadhitaano musuqmaasuq tan iyo 25/4/2019, iyada oo lagu wado in magacaabista Wasiirkan cusubi soo dedejin doonto in ay soo saaraan natiijada baadhitaanadooda, taas oo la filayo in ay meesha ka saari doonto Agaasimaha Guud ee Wasaarada Axmed Abokor.


 

Si kastaba ha ahaato e, Wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashadda ayaa laga filayaa in uu isaga oo adeegsanaya awoodihiisa sharci uu Wasaarada ku soo celiyo jidkii saxda ahaa isla markaana uu hirgaliyo maamul ka madhan musuq iyo kooxaysi.

Loading...
Loading...