Fanaanadda Caanka Ah Ee Sahra Ilays Oo Sheegtay In Lagu Cunsuriyeeyey Heeso Ay U Qaaday Somaliland.
Fanaanadda Caanka Ah Ee Sahra Ilays Oo Sheegtay In Lagu Cunsuriyeeyey Heeso Ay U Qaaday Somaliland.
Hargaysa(HWN):- Fananada Caanka ah ee Sahra Ilays oo muuqbaahiya Sahan tv ugu waramaysay magalada Hargaysa,ayaa ka hadashay caqabadaha soo wajahay ,markii heedo badan wadanka Soomaliland ku amaantay una qaaday,
Fananada Sahra ilays ayaa sheegtay in markasta ay jeceshahay in wadanka Soomaliland ay u qaado heeso una qaadayso,waxanay fariin u dirtay dadka ku cunsuriyay heesaha ay u qaado dalka Soomaliland ee aflagaado iyo cajarafayn umaraniyay warbaahinta iyo mobilkeeda gacanta.
Fananada oo Umaraahasi ka hadlaysa ayaa tidhi"Horta Soomaliland inaan u heesa waa muqadas,sababta oo ah anigu gabadh reer Soomaliland ah ayaan ahay,inkasta oo media aha iyo dad badano kale baryhihii udanbeeyay ila soo hadlayeen,hees ay habeen dhawayd hablo la qaadaybay inbadan ila soo hadlayeen dal iyo dibadba,markaa waxay ilahayeen Sahraay maxaad had iyo jeer Soomaliland ugu heesta,adigu reer Soomaliland ma tihide,markaa aadbaan ugu qoslay,reer Soomaliland waan ahay oo isma lihi cidbaa ka xigta,waxay Soomalidu ku maahmahda,gabdhi waa dhaxdin ee dhalasho maaha soomalidu yidhaahdaan" ayay tidhi Sahra Ilays
Fananada oo hadalka sii wadata ayaa tidhi"Anigu Soomaliland iskay ayaan u jecelahay Reer Soomaliland na waan ahay bal cida iidiidaysa ee odhaynaysa Soomaliland ma tihid,de iyagay u taala, cayda ka mida,aflagadada lagu soo qorayo,qaarba intandanbe oo dhan isoo garacayay,wax alaale iyo waxay igala hadlayaan waan garan wayay,de awal anigu Soomaliland waan u heeshi jiray oo maanta iguma horayso oo heeso wadaniya waan qaadi jiray,imika waxa yimid ayaan garan waayay,lakiin waniigu shacabka Soomaliland waxaan u sheegayaa cida si toosa isoo garacayaa anigu Soomaliland waan ahay" ayay tidhi Fananad Sahra Ilays
Fananada ayaa mar la waydiyay in Soomaliland ay heeso danbe u qaadayso ayaa waxa ay kaga jawabtay sidan"sidee ugu qaadi wayay yaa iga joojinaya cidana igama joojinayso waan qaadayaa,imika qaarbaan soo saarayaa habeen dhawayd midbaan qaaday Soomaliland ku difaacayo,cid idiidi kartaana ma jirto cid iga hor istaagi kartaana ma jirto."ayay tidhi Sahra Ilays.
HadhwanaagNews.com
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...