War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyey Laba Xeer

0
Thursday December 12, 2019 - 14:35:31 in News by
  • Visits: 2690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyey Laba Xeer

    War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyey Laba Xeer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyey Laba Xeer

 


Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka, iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey.



Fadhigii golaha wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka.



Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu, iyada oo nuqullo kamid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga loo qaybiyey golaha.


Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka.



ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...