Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Heshiis Laga Gaadhay Arimaha Galmudug

0
Thursday December 12, 2019 - 14:18:30 in News by
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Heshiis Laga Gaadhay Arimaha Galmudug

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Heshiis Laga Gaadhay Arimaha Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Heshiis Laga Gaadhay Arimaha Galmudug


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudaneXasan Cali Khayreayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).




Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.


Ra’iisul Wasaaraha waxa ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega shacabka reer Galmudug. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.


Waxa uu uga mahad celiyay ASWJ dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.


Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cidwalba oo Soomaaliyeed oo gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha beesha caalamka oo marwalba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Loading...
Loading...