Kulmiye Waa Xisbi Taariikh Iyo Raadraac Loo Noqdo Leh.

0
Thursday December 12, 2019 - 11:23:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye Waa Xisbi Taariikh Iyo Raadraac Loo Noqdo Leh.

    Badiyaa aadmuhu marka dani kulmiso wuxu yeeshaa habraac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badiyaa aadmuhu marka dani kulmiso wuxu yeeshaa habraac
 iyo qaanuun kala jiheeya, taasi waa sababta aan uqabo in xisbigani yahay mid qaan gaadh ka ah dhinacyo badan sidoo kalena haysta taariikh iyo marjac ku filan in loo noqdo.

Aan usoo noqdo halka maanta xaal marayo iyo sida aan qabo inaynu ugu salayno qaanuunka iyo taariikhda rubuc qarniga kudhow ee xisbigu leeyahay, sida aad ka wada dharagsan tihiin shirkii Burco 2008 ee marka labaad loogu cumaamadayay Siilaanyo waxa damcay in uu la tartamo siyaasigii da'da yaraa ee Maxamed Ali "Obama" waxaana markiiba ka hor yimi dhamaanba ahlu cuquulkii xisbiga iyo waliba qoyskii uu ahaa Xildhibaan Obama iyaga oo u sheegay in Siyaasadu leedahay waxyaalo badan oo u diida is barbar yaaca marka yool midaysan la leeyahay taaso ay kow ka tahay in loo kala Khibrad badan yahay loona kala waaya aragsan yahay ayna mudan tahay in laysku ixtiraamo, taasina waa sababtii Obama ku aqbalay in uu uga tanaasulo ruug cadaagii siyaasada Somalida Mudane Siilaanyo maadaama uu ka khibrad iyo miisaan ba waynaa siyaasiyan.


Sida oo kale waxa isla shirkaa Golaha dhexe ku cumaamaday Mudane Muuse Biixi oo noqday kuxigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye, kalfadhigaasina wuxu noqday kii dhaliyay guushii xisbiga 2010, Sida taariikhda xisbiga ku cadna waxa guushii ka dib si kumeel gaadh ah xilka gudoomiyaha xisbiga u qabtay Mudane Muse Biixi, oo aad ogaydeen in mudo ka dib markii la qaban qaabinayay shirwaynaha xisbiga in siyaasiyiin uu wakhtiga ugu tun wayna Mudane Samaale damceen inay kula tartamaan jagada Gudoonka xisbiga oo shir-waynihii lagu dooranayayna taagnaa, taaso is jiidad dheer ka dib lagu qanciyay siyaasiyiintaasi inay uga tanaasulaan Gudoomiyaha xisbiga Mudane Muse Biixi maadama uu uso samray ahaana kuxigeenkii koobaad ee gudoomiyihi xisbiga ee wakhtiga hore Siilaanyo, Taaso markii layska qanciyay si fiican laysula qaatay, sidaana lagu doortay Mudane Muuse Biixi, Isla maalintaa waxa kuxigeenka koobaad loo doortay afhayeenkii mudada dheeraa ee xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Ahmed oo laftiisa uu damcay inuu booska kula tartamo Siyaasiga caanka ee Xasan Gaafaadhi, taaso iyada lafteedu kuso dhamaatay tanaasul uu la yimi siyaasiga wayn ee Gaafaadhi oo sababteedana uu qayb wayn ku lahaa siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo wakhtiga saaxiibkiisa reer Sanaag ku qancinayay in Maxamed Kaahin Axmed yahay siyaasiga ugu wayn da ahaan iyo khibrad ahaanba siyaasiyiinta beelwaynta Bariga Somaliland sidaa awadeedna waatii loogu doortay Maxamed Kaahin kuxigeenka koobaad ayna ku dhaliyeen guushii 2017.

Hadaba hadii taariikhda aynu eegno waxa guushan Madaxwayne Muse Biixi ka dib uu hogaanka xisbigu qaatay in aan la kala saarin xukuumada iyo xisbiga taaso macnaha ku jiraana yahay in aan dibada lagaga iman ragii guusha dhaliyay sidoo kalena meesha laga saaro hogaankii kumeel gaadhka ahaa oo xisbigu markasta yeesho hogaan rasmiya, iyado sido kalena aan laga tagayn qaab sharciyadeedkii kuxigeenka koobaad ku noqonayay odayga Koobaad ee xisbiga shirwaynaha soo socda, sidaana uu Maxamed Kaahin Axmed ku yahay Gudoomiyaha iyo odayga soo socda ee xisbiga.

Guntii iyo gabagabadii qoraalkayga waxan kuso koobaya waa maxay sababta maanta uu siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan runtii marka kaftanka laga tago aan u hayo ixtiraam wayn uu udoor bidayo in uu odaygii xisbiga ee soo socday sheego inuu la tartamayaa wakhti aan odhan karo jaaniskaasi wuu xidhmay oo waxaanu xidhmay maalintii uu Xasan Gaafaadhi ka hor istaagayay inu la tartamo Maxamed Kaahin isagoo sheegaya in mudnaanta la kala leeyahay reerka lagaso wada jeedaana aanu ahayn mid odayadiisa siyaasada dhinac carara si la mida sidii Siilaanyo loo daba taagna isku duubnina loogu dhisayay, suaasha iyo hoga-tusaalayntaaba waxan kuso xidhayaa WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON, Maxamed na manta ma guulaysane wuxu guulaystay maalintii Maxamuud Xaashi na wasiirnimada ilaashaday Xasana uu ku qanciyay in owrka soo socda ee reerka u dhaaminaya yahay  Muj Maxamed Kaahin Axmed.

Waxan kuso xidhayaa mar labaad talo aan u dirayo dadka ehelkaa ee qoyska gaar ahan dhalinyarada oo aan leeyahay siyaasadu way howlo badante haysku nicina waxaydaan hubin qaabka ay ku danbaynayso "Hooyada ninkii guursadaaba waa adeerkaa".

From: Mohamed Ahmed Mohamed
Hargeisa / Somaliland
+252634246528

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...