Dhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u Samaysay.

0
Thursday December 12, 2019 - 11:18:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u Samaysay.

    Kampalla(HWN):-Waxa labaddii sanadood ee u danbeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kampalla(HWN):-Waxa labaddii sanadood ee u danbeeyay
ku sii qulqullaayay Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhalinyarro u dhalatay Somaliland, kuwaasoo niyad-jab ka qaadday Xukuumaddihii isaga danbeeyay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, gaar ahaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee hadda labadda Sanaddood marraysa.



Dhalinyaraddan ku sii qulqullaaya magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya, waxa ay Niyad-xummaan ka qaaddeen hannaanka Maamul ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo u xuub-siibtay eex, qarraabo-kiil, Musuq-maasuq karkaaradda jebiyay,waxaannay maamul-xummida Madaxweyne Biixi ay dhaawac wayn u gaysatay Hankii, Hammiladdii, Hiigsigii iyo wada-jirkii ay Shacabka Somaliland lahaayeen, iyaddoo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay Ummaddii ku riday rajo la'aan, isla markaanna Dawladdii iyo Ictirraafkii beryo ku naalloon jireen shacabka Somaliland waxay noqotay Xumbo gudhay iyo riyo aan jirin.

Dawladda Fedderaalka Soomaaliya ee fadhigeeddu yahay magaaladda Muqdisho ayaa furtay Xafiis loogu talo-galay dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee ka soo qul-qullaaya guud ahaanba Somaliland.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Xafiis u furtay dhalinyaradda waxbaratay ee maalinkasta iyagoo koox koox ah ka soo degga garoonka caalamiga ah ee Aden Adde International Airport, waxaanna Xafiis loogu talo-galay innuu diiwaan-geliyo dhalinyaraddaas ka soo yaacaysa rajadda la'aanta iyo Maamul-xumidda Madaxweyne Biixi, waxaannu Xafiiskani uu dhalinyaraddaasi ka caawin doonnaa, isla markaanna uu u diyaarinnayaa sidii midkasta loo shaqo gayn lahaa, iyaddoo imikabba dhalinyaraddaasi badankooddu ay ka hawl-gallaan Hay'addaha kala duwan ee dawladda Fedderaalka Soomaaliya.

Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...