Dhisidda Nabadda. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

0
Thursday December 12, 2019 - 10:13:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhisidda Nabadda. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Waa maxay Nabaddu? Nabadu waa ka madhnaan shaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay Nabaddu? Nabadu waa ka madhnaan shaha
nooc walba oo dagaal iyo rabash ah,  shaki kuma jiro maqnaanshaha dagaalku inay tahay shuruudda koowaad ee nabadda laakiin nabaddu ma aha oo keliya maqnaanshaha dagaal xaqiiqda  xaalada lagu garto nabaddu waa marka qof walbaa uu ku noolyahay amaan, cabsi la'aan ama hanjabaad iyo  rabshad la’aan,

 

Qaabab dhismeedka nabadeynta iyo hababka nabadayntu way kala duwan yihiin  laakiin waxay dhamaantood ugu dambeynta ay ku soo ururaan inay hubiyaan in dadku ka nabad galaan waxyeelada helaana sharciga iyo cadaaladda oo lagu daro go'aannada siyaasadeed ee iyaga saameeya inay helaan fursado dhaqaale oo wanaagsan oo ay ka faa’iidaystaan si ka sii wanaagsan hab nololeedkooda hore.

 

Qaar ka mid ah siyaabaha lagu gaadhi karo tan ayaa ah wanaajinta nidaamyada garsoorka la dagaallanka musuq-maasuqa, dib-u-habeeynta dastuurka, marin u helidda howlaha cadaaladda,

Ka shaqeynta hagaajinta amniga guud wada shaqeynta ganacsiga si loo abuuro shaqooyin waara oo waxtar leh.

 

Abuurista warbaahin xor ah oo loo dhan yahay oo baahisa barnaamijyo nabadeed oo loo baahanyahay kuwas oo ka dhigaaya barnaamijyo horumarineed meelaha ama aagagga ay colaaduhu ka jiraan una nugul dhaqdhaqaaqa isku dhaca

 

Muhiimad ahaan dhisidda-nabadda ayaa si iskaashi leh looga wada shaqeeyaa heer degmo heer qaran heer gobol iyo heer caalami shakhsiyaadka jaaliyadaha ururada bulshada rayidka ah dowladaha hay'adaha gobolka iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay dhammaantood door bay ka ciyaaraan dhismaha nabadda.

 

Ereyga dhisidda nabada ayaa waxaa laga soo qaatay sanadkii 1992, markii xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros-Ghali uu ku dhawaaqay 'Agenda for Peace'.



W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa Somaliland

Emil: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...