Dulmiga Shirkda Laydh Ee Heco Iyo Shacabka Reer Burco Maxaa Kalahaysta Part Two? By Qoraa Maxamuud Khaliif Ahmed

0
Thursday December 12, 2019 - 10:06:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmiga Shirkda Laydh Ee Heco Iyo Shacabka Reer Burco Maxaa Kalahaysta Part Two? By Qoraa Maxamuud Khaliif Ahmed

    waxay ahayd markii aan ka guuray mid kamid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxay ahayd markii aan ka guuray mid kamid ah guryaha magaalada burco, aniga oo uu guuray guri kale oo u dhow kii aan ka guuray markii hore .

 

markii aan mudo bil ah ku jirey gurigaas ayaa la keenay warqadii qaansheeta ahayd ee ay ku qornayd lacagtii iyo initkii aan isticmaalay bisha aan soo dhaafay ,

waxa aan warqadaas kala kulmay unit xad dhaaf oo aanan istcimaalin ,marka loo eego bilo hore ee aan ku jirey gurigii hore , waxana khasab noqotay in aan iska bixiyo lacagta .

 

markii aan dhowr bilood ku jiray gurigaas ayaan uu adkaysan kari waayey unitka sii kordhaya iyo lacagta sii kordhays ee xad dhaafka ah bil walba .

 

waxan cabasho ugu tegay shirkada laydhka ee heco qaybteeda caqaayada waxana cabashadii uu sheegay odey yar oo gadh cad oo la yidhi wuxuu qaabilasan yahay qaybta cabashada .dadweynah

 

odeygaaasi si waxan ayuu ii dhegaystay wuxuuna iga qoray labarka wuxuuna ii sheegay oo igu qanciyeye in saacadu ay qorto qof walba wixii uu istcmaalo , wax dheeraad ahana aanay jirin , sidiina waan kaga timi.

 

markii ay ka soo wareegtay bil , waxa gurigii ka tagtay xaaskii oo booqasho ugu tagtay gurigii hooyadeed , waxayna maqnayd mudo 22 cisho ah .

 

mudadii ay maqanayd gurigu wuu iska xidhna , ana waxan ahaa shaqaale oo habeenkii oo qudha ayaan uu hurdo doonan jirey ...maalintiina wuu iska xidhnaa

waxa soo noqotay xaaskii , waxana dhamaatay bishii mise intii hore in ka badan ayey soo qortay saacadiii yaab com

 

waxan mar labaad ku soo noqday xafiiskii 

 

heco qaybteeda caqaayada waxan mar labaad uu imi qaybtii cabashada qaabilsanayd waxana jooga odeygii gadhka cadaa.

 

waxan uu sheegay cabashadii iyo waxa jira , wuxuuna igu jawaabay oo igu yidhi adeer hadii ay sidaa tahay ciladu waa saacada ee iska bedel .

 

waxan goaansaday in aan bedelo saacada waxana aan ku idhi haye waan bedelaya saacada ..

 

wuxuu igu yidhi markaad bixiso lacagtii hore ayaan ka bedelaynaa oo qudha . lacagtii hore ayaan bixiyey waxana soo iibsaday saacad cusub .

waaan kula soo noqday qaybtii cabashada wuxuuna ii diray qayb kale oo qaabilsan saacadaha

 

waxa laygu xidhay nin qaabillsan xafada aan ka degenahay magaalada burco ,ninkii ayaan la hadlay oo aan isku sheegay wuxuuna igula balamay in aaan guriga geeyo saacada oo uu isagu uu imanayo inshallaha

 

galabtii ayuu guriga yimi wuxuuna kala wareejiyeyey labadii saacadood tii hore iyo tii cusubayd

 

maalintaasi waxan niyada gashtay in ay dhamaatay dulmigii iyo xaqdardii aan garwshiyaha lahayn ee aan ku bixin jirey lacagta aanan isticmaalin bil walba .

 

waxa ka soo wareegatay mudadii saacada lay xidhay afar cisho , saacadu waa duhur dabadii , waana maalin jimce , waan qaadeeye waxan niyada ku hayey in aan cabaar seexdo , hal mar baan saacadii cusubayn indhaha ku dhuftay ..


waxan ku arkay labar aan macquul ahayn oo ay qortay saacadu afartii cisho ee ay xidhnayd

cabashadii hore ee aan qabay laba laabkeed ayey isku bedeshay saacadii cusub ee aan soo iibsaday .

 

maalintaas hurdo fiican maan seeexan oo marba niyadayda waxa ku soo dhacayey arintaas laydhka .

 

subaxii sabtiga ayaan ku kalahay shirkadii laydhka ee heco qaybteeda caqaayada waxana markii afraad kulanay odeygii qaabilsana cabashada .

 

waxana ugu waramay wixii inoo kala danbeeyey afartii cisho ee aynu kala maqnayn iyo hawshii saacada cusub.

 

odeygiii wuxuu igu jawaabay adeero cid soo hubisa ayaanu uu dirayna ee iska tag bishiina ma dhowee.

 

hadalkii ayaan ku celiyo oo aan ku idhi adeer afartii cisho oo qudha ayey intaas soo qortaye hadii ay bishu dhaamato maxaad ka filaysaa ?

 

wuxuu igu jawaabay adeer 2 cisho dib ayaanu imanayaa ee iska tag

labadii cisho dhamaatay welina ma hayno cid saacada hubisa

 

la soco qaybta 3aad
BY Qoraa Mohamoud Khalif Ahmed

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...