Run Ka Sheeg Qoraalka Iyo Taariikhda Soomaalida:

0
Wednesday December 11, 2019 - 16:26:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Run Ka Sheeg Qoraalka Iyo Taariikhda Soomaalida:

    Si aan u helno soomaliya barwaaqo ah, la wada leeyahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si aan u helno soomaliya barwaaqo ah, la wada leeyahay,
ka madhan qalalaase iyo dhib waxa muhiim ah in la badalo dhamaan dhaqanadii kalifay in somaliya ay bur-burto oo salka dhulka ku dhufato.



Dhaqanada la badalayo waxa ugu mudan been abuurka taariikhda iyo keydka qoraalada ee fac ilaa fac la kala dhaxlayo dhalintuna jiilba jiil u soo gudbinayo taas oo kasoo bilaabanta xiligii gumaystuhu geyiga geeska Africa gaar ahaan dalka soomalida.


Been abuurka taariikhda somalida waxa buugaag badan ka qoray gumaystihii dalka yimid ee gumaystay isagoo qabaailada qaarkood yasay qaarna buun-buuniyey isagoo u jeedadiisu ahayd in dhib la dhex dhigo qabaailka soomalida si uu u gumaysto khayraadkoodana u daldasho.


Buugaagta la been abuuray waxa ugu daran kuwan soo socda kuwaas oo lagu qariyey deegaano iyo qabaailo dhan laguna sheegay kuwo kaliya inay yihiin kuwa somaliya oo dhan iska leh xaqna u leh inay iyagu ka taliyaan, buugaagtaasi waxay abuureen dagaalo sokeeye oo lagu hoobtay oo dalka ka dhacay siina cusleeyey colaada somaaliya buugaagtaas waxa kamid ah:


·       Buuga”A postoral democracy” ee la daabacay 1961 waxaana buugaa qoray I.M LWEIS.

Qoraaga buugani wuxu kusoo bandhigay buugiisan tirada qabaailada soomalida isagoo qaar kool-kooliyey kuwo kalena cagta hoosteeda galiyey, waxaanu tirada beelaha ku sheegay sidan soo socota isagoo uga danlahaa in layskugu awood sheegto oo lagu dagaalamo, hadaba akhriste u fiirso Somaali ma afartaa beelood baa? intee beelood  ayaa la qariyey?, se beelaha uu buun-buuniyey maxaa ka jira?.


Beelaha somalida

Tiradooda guud

Daarood

1,000,0000

Dir iyo isaaq

550,000

Hawiye

520,000

Digil iyo mirifle

400,000

 

·       Buuga 2aad ee isna wax ka qoray been abuurka taariikhda  somalida waxa kamid ah "THE modern history of somaliland” waxa isna buugaa la daabacay 1965 waxaana qoray kii qoray buugii hore I.L.LEWIS.

 

Beelaha somalida

Tiradooda guud

Daarood

1,500,000

Dir iyo isaaq

750,000

Hawiye

500,000

Digil iyo mirifle

500,000

Jareer weyne

80,000

Gibilcad/banaadiri

42,000

 

·       Buuga 3aad waxa la yidhaahdaa (area hand book for Somalia) waxa diyaarisat American university 5010. buugan waxa lagu daabacay washiton waxaana la qoray bishii may 1969kii waxaanu isna u dhigay qabaailka somalida iyo tiradooda sidan isagoo sidii kuwii lewis isna qariyey qabaailo badan sidoo kale buun-buuniyey qaar laga yaabo in kuwu qariyey ay ka tiro badan lahaayeen.


Beelaha somalida

Tiradooda guud

Daarood

1,250,000

Dir iyo isaaq

550,000

Hawiye

700,000

Digil iyo mirifle

500,000

 

Qabaailkii la qariyey ayaa kuwii la buun-buuniyey kula kaceen xadgudubyo badan kuwaas oo si isdaba jooga ah ay dhib ugu hayeen, waxaana halkaa ka bilaabmay colaado hor leh kaas oo aabahu wiilkiisa u sheego in aanu cadow kale lahayn aan ahayn reer hebel, uur-kutaalo xun ayaa laysku barbaarshay taasina waxay gabi ahaanba sababtay in reer walba kii u awood sheegtay uu u hub urursado dabadeedna waxa dalka ka gees ka gees ka dhacay dagaalo lagu riiqday kuwaas oo ilaa maanta ay wali aarsanayaan kuwii iyaga waagii hore la adoonsan jiray.


Been abuurkaa gaalku sameeyey  ayaa kuraastii wadanka lagu qaybsaday, Akhriste hadaba ma ila fahantay dhibku asalkiisu halkii uu kasoo farcamay.


Hadii la rabo in soomali amaba somaliya dagto oo xal waara loo helo dhibka maanta jira waa in la masaxaa wixii been abuur ah ee hore layskugu sheekeeyey iyo xukunkan beelaha qaar kaliya u ogol inay madax somaliya ka noqdaan kuwo kalena aan waligood soo dhawaynayn.


Qaraxii dagaalkii sokeeye ee dalku gees ka gees ku fiday waxa dhab loo garwaaqsaday awooda beelihii la dulmay si aanay mar dambe u dhicin arintani waxa loo baahan yahay in umada somaliyeed ay si wada jira meel u fadhiistaan oo si cadaalada loo qaybsado deegaanka, iyo xukunka, iyo dhamaan waxyaabaha la wadaago sida khayraadka dalka.


Sidoo kale waa in la masaxaa xeerkii ahaa in qolo kaliya ay somaliya madax ka noqoto kuwo badan oo kalena ay daawadayaal ka ahaadaan, si dhibka looga baxo waa in arintan aqoonyahanka, waxgaradka, culimada,madaxda,  iyo haweenka somaliyeed si wada jira uga tashaadaan meelna laysla saaro u sinaanta dalka iyo deegaanka.

 

 

BEEN ABUURKII TAARIIKHDA SOOMAALIDA WAXA KAMID AHAA:

·       RAYSAWAARE WARQAD LIQAY: 1964 madaxweyne aadan cabdule cismaan (aadan cade) wuxu raysalwasare u magcaabay mudane cabdirisaaq xaaji xuseen.


Wargays yoobsan times la odhan jiray ayaa been abuur badan qoray kuna xardhay qalbiyada umada somaaliyeed ka gees ilaa ka gees waxaanu sheegay in cabdrisaaq xaaji xuseen xiligii s.y.l xornimada u dagaalamaysay isagoo xafiiskiisa fadhiya oo gacanta ku haya warqad ay ku qoran tahay sirtii s.y.l uu u soo galay nin kamid ah saraakiishii gumaysiga dabadeed cabdirsaaq uu warqadii liqay, liqitaanka warqadaasina ay waxyeelaysay sambabada raysawaare cabdirisaaq xaaji xuseen taas ayaa qofkasta oo Somali ah laga dhaadhiciyey iyagoon loo ogolaan inay fikiraan.

 

 

Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

[email protected]             ama               0634240189

 

Loading...
Loading...