Lacagta Rasaastii Aan Idinku Riday!

0
Wednesday December 11, 2019 - 11:32:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacagta Rasaastii Aan Idinku Riday!

    Waxaanu ahayn koox wariyeyaal ah oo gaadhi wada saaran,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu ahayn koox wariyeyaal ah oo gaadhi wada saaran,  mid ka mid ah irridaha laga galo xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya ayaanu ku soconnay annagoo uga sii gudbayna goobtayada shaqo.


Waa xilli maqrib ah oo salaaddii maqrib uun laga soo baxay, shaacuna uu madow yahay. Bir yar oo dhulka la dhigay oo marka laga gudbayana la iska qaado ayaa mid ka mid ah wariyeyaashii aanu wada soconnay inta uu gaadhigii ka degay naga hor qaaday (birtaas ayaa ahayd mid bulshada ka gudbaysaa ay iska qaadaan inta badan). Iyadoo ay noo hadhsan tahay in aanu u tagno askari ku dhawaad 100-Mitir qori lasoo fadhiya oo isna bir kale oo wayn naga qaadi doona, ayaa waxaa rasaas nagu furay askarigii birta labaad joogay, waanu ka argagaxnay dhawaqa rasaasta culus markaanu maqalnay. Wariyihii dhulka gaadhiga uga degayna dhankii askarigii rasaasta nagu soo riday ayuu u dhaqaaqay si uu ula hadlo una sheego in aanu nahay wariyeyaaal raba in ay meesha ka gudbaan.



Darawalka gaadhiga aanu saarnayn iyo afar kale oo wariyeyaal ah ayaa weli saaran gaadhigii oo aan kasoo degin, waxaanan aragnay in wariyihii kale ee nala socday ee u tagay askarigii waardiyaha ahaa ay murmayaan, balse annaku umaanu degin oo waxaa noo yimid askar kale oo aanu kasoo gudubnay ka hor intii aanan halkan soo gaadhin, kuwaas ayaana noo sheegay in aanu gaadhiga iska saarnaano oo iyagu xallin doonnaan wixii qaldan.


Anigu weli ma fahansani muranka dhexmaraya wariyihii birta naga qaadayay iyo askarigii rasaasta nagu riday, balse saddexda wariye ee kale ee gaadhiga ila saaran way fahansan yihiin waxaa lagu murmi doono.


Arrinta la yaabka igu noqotay ayaa ah in askarigii na rasaaseeyay uu doonayaba lacagta rasaastii uu nagu riday, haddii kale aanu noo ogolaan doonin in aanu ka gudubno goobta uu waardiyaha ka yahay.


Wuxuu si cad u yidhi:" i siiya lacagtii rasaasta aan idinku riday.." balse wariyihii nala socday oo fahansanaa damaca askariga ayaa u sheegay in maanta xaaladda lagu jiraa aanay ahayn tii qoriga ee haddii uu nagu toogan lahaa rasaasta isna la toogan lahaa oo sharciga la marin lahaa, isla markaana aanu xaq u lahayn in uu lacag rasaas uu nagu riday na waydiiyo.


Nasiib wanaag waanu gudubnay ka dib dhexdhexaadin ay sameeyeen ciidan kale. Balse aniga wax la yaab leh ayay igu noqotay in nala waydiiyo lacagta rasaastii na lagu riday, halka ay wax iska caadi ah u ahayd; saaxiibbadaydii kale, iyagoo weliba iiga sheekeeyay wakhtiyada qaar ee lasoo maray in xittaa hadday rasaastu qof ku dhacdo lacagteeda la is waydiin jiray!.



Khaalid Foodhaadhi
Muqdisho, Soomaaliya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...