Bacaluul Isqaaday- Noolaatay Yididiiladii Naxashka Saarayde.Xukuumaddii Muse Full Stop Bay Soo Gaadhay.

0
Wednesday December 11, 2019 - 10:58:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bacaluul Isqaaday- Noolaatay Yididiiladii Naxashka Saarayde.Xukuumaddii Muse Full Stop Bay Soo Gaadhay.

    Xusbiyadii wax la eryadaba markii la garanwaayaayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xusbiyadii wax la eryadaba markii la garanwaayaayey
  in gardarada iyaga iyo shacabka lagala hadhiwaayey ayaa gidaarkii  soo celiyey  xukuumadda Muse Itaal Darana  way soo  gaabatay.  Muse wuxuu ku kacay  dhawrkii  todobaad ee u dambeeyey wuxuu beesha caalamka tusay  inuu qayrul masuul yahay oo aan mandaqadda geeska iyo badda cas lagu aamini karin. 48 afartan sacaadood wuxuu  goaan keligii  ku gaadhay wax  dawladaha dhami yaqaaniin oo ah arimaha doorashooyinka iyo  kordhinta waqtiga barlamaanada iyo kordhinta muddo xilleedka Madaxweyne oo isla waqti yayar ku samamaystay guddi  doorasho ku daarsaday ku aan xalaal ahayn iyagoo afar qoffa oon badi sharcigu diiday. Xisbiyadii shaqada la lahaa buu qaar eryèy qaarna xidhxidhay markaasuu cidla toocsaday arimihii wadanka.

 

Waxan Muse ma sameeyeen hadduu wado doorasho cadaala ku imman lahaa iyo burburka wadanka ku soo fooleh waxaa ka masuula Siilaanyihii Xanuunsaday ayaa ka masuula waayo  Muse Biixi Sidii  lagu  keenay  kursiga  ee qaldanayd ayuu  ku socdaa  oo isaga u saxa. Wuxuu  ku yimi boob gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye iyo Boob Military oo Murashaxnimada Kulmiye iyo boob Kursiga  Madaxweyne oo ahayd doorasho Wadani laga boobay. Markaa Muse waa Hal Xaaraani Nirig xalaal ma dhasho  kii ka sugaana usagaan waxba ahayn.

 

Imika  waa in laba arimood  lagu dhaqaaqaa Military raggi waa inay jabhado sameeyeen kuwa jirana la xoojiyaa oo xaqa lagu diriraa. Waa in shir  weyne  lagu  dhawaaqaa indhihiisoo shana  waana in mudahaardyo iyo cashuur joojin la sameeyaa si baarlamaanka fadhiya ka ahi iskaga dareeraan oo mushahaaro wayaan.  Reer walba waa  in askartooda u yeedhaan cashuurta na iska gurtaan oo shaqaalahooda siiyaan. Madaxtooyo 71 qof oo isku reeri joogaan  wax cashuur loo soo guro  maaha, reeraha kale ma faraajiin  baa. Caqliga ummadda ayey  Muse dabayaacayaashiisu caayayaan waa in laga joojiyaa  cashuurta. 

 

Waxaa caddaatay nacasnimadii  uu Muse  Faysal  iyo Cirro  ku sheegaayey oo isagii fadhiisatay uu Muse Dameer  noqday  madhan  oo dumarkiyo caruurtii baa  ku qoslaya sida uu wadanka ula dhaqmayo. 

 

Waxaa kaloo  jira kuwa caydha yurub ka qaata oo  Musena kornaylo u magacaabay oo ay isku reero yihiin ayaa dayaaradda saaran  oo todobaadna yurub jooga todobaadna Hargeysa oo dadka yurub deggan  ugu Hanjaba markaa Hargeysa  timmaaddaan baan idin xidhxidhaynaa  oo xuquuqal insaanka ku xad gudba afar lacagood oo beena qaata. Waanu daba soconaa siyaasado badan bay ku dhex jiraan Kuwaa dhaqdhaqaaqooda iyo dhaqankooda xafiisyada ku shaqada leh baanu Sunday.

 

M Bashe 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...