Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo

0
Tuesday March 26, 2019 - 12:11:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo

    dhif iyo nadir maalin aanay madaxda Somaliland ka soo yeedhin hadalo duraya Xamar iyo in Somaliland ka madax-banaan tahay Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhif iyo nadir maalin aanay madaxda Somaliland ka soo yeedhin hadalo duraya Xamar iyo in Somaliland ka madax-banaan tahay Somalia.
Marka aad maqasho eraydadooda waxa aad is odhan, haddaarka ay muujinayaan dartii, meelna iskama taabtaan maamulada Hargeysa iyo Xamar; laakin cusbo ku qaado weedhahooda.

Si aan u biniixino dulucda maqaalka, bal aan marjac ugu noqono warbixin ay soo wada saareen Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federalka Somalia iyo World Bank ee "Multipartners Fund”, taas oo aad ka daalacan karto iskaashiga lacageed ee ka dhexeeya Xamar iyo Hargeysa.

Warqaddani u ma ay qalinqaadan in ay faahfaahiso ama ay ka faalooto warbixintaa dheer oo ilaa 112 bog ah. Waxa kugu filan adigoo halacsada tixraaca hoose ee warqaddan.

Multi-partners Fund Report waa warbixin lagu qiimeeyey mashaariicdii deeqaha caalamiga ah ee ay wada fuliyaan saddexanka (troika) - Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe - oo weliba isku-duwidooda (coordination-ka) uu leeyahay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dawaldda Federalka Somalia.

Maqaalkani waxa uu kor-ka-xaadin doonaa kaalinta Hargeysa ay ka ciyaarto dhurashada kaalmada caamiga ah, iyadoo maraysa Xamar.

Haddaad maqasho madaxda Hargeysa oo ku faanaysa barnaamijka shaqo-abuurka dhalinyarada, ogow in lacagtaasi ka timi mashruuca STEP (Skills Training Entrepreneurship Project) oo ay Somaliland qayb-libaax heshay (40%). STEP waa deeqo (Grants) ay mayalka u hayso Dawladda Federalka Somalia.

Deeqaha saddexanka waxa kale oo ka mid ah: maalgelinta SICRP (Somali Investment Climate Reform Program) oo Somaliland ka heshay $2.8m, Puntland-na $1.7m iyo Xamar oo qayb u heshay $3.1m. Ma yareysan Hargeysi!

Waxay mar kale saddexanku wadaageen mashruucyada maalgelinta kaabayaasha magaalooyinka (Somali Urban Investment Planning): Xamar $2.43m, Garowe $1.63m, iyo Hargeysa $1.68m. Hargeysaa, ma ka gashay halkeedii!

Ma aha arrimuhu lacag qaybsi keliya, wada-shaqayn joogta ah ayey leeyihiin Wasaaradda Maaliyaada Dawladda Federalka iyo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Tusaale ahaan Bishii November 2017 waxa isku mar Hargeysaiyo Xamar lagagawada dhawaaqay sanduuqa taakulyanta mushtarka Soomaaliyeed (Somali Business Catalystic Fund). Hadda dhadhami erayga Soomaliyeed!

Dhegaha dadku in badan bay maqleen Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa Nairobi kula kulmay madaxda World Bank-ka, waxba ha sii biciidsan, fadlan u faham in Bangiga Dhexe ee Hargeysa uu ka mid yahay mashruuca CBS and SFI (Central Bank and Service Finance Information), kaasoo ka caawimabangiyada dhexe ee Hargeysa, Garowe iyo Xamar arrimaha teknolijada elektronika (ICT), la shaqaynta xawaaladaha, mushahar bixinta, ururinta cashuuraha iyo tababarada shaqaalaha xisaabaadka; iyadoo la kaashanayo shirakado caalami sida SFMIS Designer TA iyo PcW. I tus halka ay lacagi taalo!

Ku darsoo mashruucan kore ee bangiyadadhexe, waxa uu toos u hoos yimaadaabarnaamijka loogu yeedho "FiscalFederalism” oo ka dhigan in Hargeysa ka mid tahayDawladda Federalka Soomaaliyeed; marka ay timaado arrimaha lacagta. Si wacan u maqal.

Ugu dambayn waxay dawladda Madaxweyne Biixi ay tiraab dheer ku sheegtaa "Tiro-koobka Shaqaalaha dawladda”, waxba ha ku tigaalin, u garo inay tahay uun maalgelin Xamar soo


martay, Hargeysana timi, oo dhan $10m. Waa guulaha ugu waaweyn ee Md. Biixi ku faano. Waxase uu dadka ka qariyey in uu xamar u xisaab celiyo!

Ogow iskaashigu kuma koobna wasaaradaha maaliyadaha ee waxa iyana wada-shaqayn dhow leh wasaaradaha qorshaynta. Xasuuso qiyaas-tirookoobkii UNPFA ee dalkaoo dhan ka dhacay sannadkii 2014-15, Somaliland-na ka qayb-gashay, waxaa si weyn u difaacay wada- shaqayntaas wasiir Sacad Cali Shire oo markaa ahaa wasiirka Qorshaynta, imikana ah wasiirka Maaliyadda. Sacad waa wasiir lagu kalsoon yahay sir hayntiisa iyo ilaalinta xogaha xasaasiga ah. Faahfaahinta tirokoobka ka daalaco tixraaca hoose.

Haddaba iskaashigani cidla kama unkamin ee waa is-afgaradyadii ka soo baxay wadahadaladii Istanbul iyo Djibouti ee sannadihii 2014 iyo 2015, kuwaas oo ku qotomay wadaagga caawimada caalamiga ah. Runtiina Somaliland waa laga qayb-geliyey, waana ay ka qayb-gashay. Dawladda Xamarna kama waasho ee way u xilqarisaa. Talow sidaasi Somaliland miyey soo dhoweynaysaa mise way lu’goynaysaa. Cajiib! Waqtigaa sheegi. IA.

Haddaba isku soo wada duuboo, dhibka jiraa waa: Somaliland dhuumasho ayey quruskeeda deeqaha caalamiga ah kaga soo qaadataa Xamar, shacabkeedana Xamar iyo Somalia ayey u caydaa. Madaxweyne Biixi aflagaaddo iyo eedayn buu mar walba u miisaa Xamar iyo dawladda Federalka ah, wasiiradiisuna waxay ku hadaaqaan, "waxa loo kala bixi Somaliland iyo Somali-Weyn”, oo macnaheedu yahay: qofkii dhaliishayada sheegaa Xamar buu la socdaa. Shacabkuna badi way ka daba-jiibiyaan, iyagoo leh, ”Xamar dooni mayno”. Eed ma leh shacabku. Sir ma qabe Allow sahana!

Sow gar ma noqon in markaa la yidhaa, "ogow dhuumashada qaar uu dhabarku muuqdaa waa dhib iyo hadimee, waa dhib iyo hadimee”.

Wa Bilahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed, London, UK. [email protected] 08/02/2019

Tixraac

documents.worldbank.org/curated/en/997391521473972031/Multi-partner-fund-progress- report-1st-July-2017-31st-December-2017

https://somalia.unfpa.org/sites/default/files/pub-pdf/Population-Estimation-Survey-of- Somalia-PESS-2013-2014.pdf


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...