Ma Kulmiye Ayaa Maalin Qabasho-Lahaa Mise Muuse Ayaa Qabasho Lahaa Maalintee Ayuuse Maxamed Kaahin Lahaa (Faallo)

0
Monday December 09, 2019 - 13:45:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Kulmiye Ayaa Maalin Qabasho-Lahaa Mise Muuse Ayaa Qabasho Lahaa Maalintee Ayuuse Maxamed Kaahin Lahaa (Faallo)

    Hargeysa(HWN)-Inkastoo Maalmihii u Dambeeyay Bulshadu aad u hadalhaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Inkastoo Maalmihii u Dambeeyay Bulshadu aad u hadalhaysay
Wareysi laga Qaadey Toddobaadkii Hore Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Qaabkii uu Wareysigaasi u dhacey, Dabcan Su’aalihii la Weydiiyay iyo Sidii uu uga Jawaabey.

Runtii hadda Waxa iska badelay Falanqahaasi Waxweyn Kadib Markii Xisbiga Kulmiye iyo Cidda midida daabkeeda haysa (Gudoomiyaha-Xisbiga), ama (Madaxweynaha), iyo (Gudoomiye-Xigeenkiisa) ha ahaatee ay Gudbiyeen Maanta oo Axad ah 8/12/2019ka Fariintan oo Soo baxdey Galinkii hore oo (Xoghayaha Guud ee Xisbigu) Xasan Siciid Yuusuf ka hadley, iyo Galinkii Dambe oo (Gudoomiye-Kuxigeenka 2aad), Axmed Cabdi-Dheere ka hadley Waxaana hadalka Dambeeyay u muuqdaa in aan Fariintii hore lagu Qancin, iyo in lagu yoolgadey Balse, tan Dambe dhabtii aheyd.



Sikasta oo ay tahey Qoddobka Meesha Yaalaa Maadaama uu Yahey Qoddob Siyaasi ah islamarkaana, Saameyn ku leh Geedi-socodka Xisbiga Kulmiye Waxa ay aheyd mid lawada filayay in mar Walba laga Jawaabayo Badheedhihii Maxamuud Xaashi Cabdi(Wasiirkii hore ee Madaxtooyada), oo Xisbiga Kulmiye katirsani ku Shaaciyay Damaciisa Hogaanka Xisbiga Laakiin, Marka hoos loogu Dhaadhaco Qoddobada Jawaabtii Dambe Waxa la isdultaagayaa Mawduuca ku Sahabsan Maxamed Kaahin Axmed(Wasiirka Arimaha Gudaha, ahna Kuxigeenka Gudoomiyaha Xisbiga), oo Maxamuud ka hadley isagoo Sheegay in Lasoo Dhaafey Marxaldii uu Gudoomiyaha Noqon lahaa Hadase, uu Haysto Xil Culus taas oo la macno ah Waxa Damaciisu Xidhmey markii uu Wasiirka Noqdey, sidii uu u dhigay, Laakiin Waa laga Arinsadey, Waxaana la isku Qanciyay in laga Jawaabo si ay Xadhig ugu noqoto Dood ka Timaada.


Waxa kale oo Jawaabta Dambe ku aadaneyd, in Loolan loo Galo(Gudoomiyaha-Xisbigu), ay Ku Kooban Tahey Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Sidaa Daraadeedna aaney Fursadi uga Banaaneyn Maxamuud Xaashi, Jawaabtana Waxa lagu aadiyay Sida ka Muuqata Dhoolatuskii Dhawaan Laga Baahiyay kulan Ay ku Yeesheen, Hargeysa.


Isku soo Wada duub oo Waxaad moodaa in Taageerayaal badan oo Reer Kulmiye ah Taageersana Maxamuud Xaashi in ay Caadifada ku ekeeyeen Axmed Cabdi-dheere, iyadoo Xaqiiqduna taa ka fogtahey haseyeeshee, qof Waliba garanayo in uu Gudbiyay Go,aankii u Dambeeyay ee ay kaga halceliyeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin oo Geesta kalena ah Gudoomiyihii iyo Kuxigeenkiisii Koowaad Waxeyse, Hadda Sikastaba dib ugu Soo noqonaysaa Maxamuud Xaashi iyo Go,aanka uu ka qaato Jawaabta laga Bixiyay dhawaaqii Damaciisa iyo intii Xisbiga ku aadaneyd, Waxaana u Furan dhinacyo badan oo ah In uu Taageerayaashiisa usoo bandhigo hadii uu Jirey heshiis ay hore u Wada galeen, iyo hadii ay jirto Tab kale oo uu Taagnaan karo Rabitaankiisa, iyo Innuu ku Qanci karro In aaney Suurtagal aheyn in uu Loolan lagali karro Madaxweynaha uu hore u Sheegay inaanu la tartami karin ee Fariintu ka timid.


Gabagabadii Waa dhab in ay Su’aalo fara badani hor-imanayaan Kuwaa oo Qaarkood Dib ugu Celin doonaan bal in uu jirro Fursad uu isla dayacey? Iyo Midkeebaa Qabasho leh? Goormuu Qabasho lahaa? Ma Kulmiyaa Maalin qabasho Lahaa Ma Muuse ayaa Maalin Qabasho lahaa oo aaney Maanta Suurtagaleyn, iyo Maalinta Kale?.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...